Muqdisho(RBC Radio0 Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xariga ka jaray tallaalka carruurta,tallaalkan oo ah mid cusub ayaa waxaa uu ka hortag u yahay 5 cudur oo dilaa ah kuwaas oo kala ah Gawracatada,Kojiyaha,Oofwareenka,Cagaarshaha iyo Xiiqdheerta.
Tallaalkan oo ah nuuc ku cusub dalkeena Soomaaliya ayaa waxaa dalka keenidiisa dadaal badan ku bixisay wasaarada adeega xukuumada Soomaaliya waaxdeeda caafimaadka,wasiirada adeega Maryam Qaasim ayaa sheegtay in 10-kii Cunug ee Soomaali ahba ay 2 kamid ah u geeriyoodaan cudurada looga hortagayo tallaalkan cusub.
Waxayna sheegtay in ku dhawaad 420 kun oo carruur ah iney ka faa’iideysan doonaan tallaalkan,Maryam Qaasim ayaa u mahad celisay hay’adaha qaramada midoobe gaar ahaan WHO iyo UNICEF oo dadaal badan ku bixiyey keenida tallaalkan gudaha Soomaaliya 20 sano kadib.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya oo xariga ka jaray Tallaalka ayaa halkaas ku tallaalay 2 kamid ah carruurta Soomaaliyeed wuxuuna ugu baaqay dhammaan shacabka iney ka faa’iideystaan Tallaalkan cusub oo ah mid faa’iido badan leh.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ammaanay doorka ay qaramada midoobe ka ciyaartay caaawinta shacabka Soomaaliyeed,wuxuuna tilmaamay in hay’adaha qaramada midoobe ay Soomaaliya barbar taagnaayeen xiliyadii dalku dowlad la’aanta ahaa isla markaane ay wali diyaar u yihiin iney garab siiyaan shacabka Soomaaliyeed.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho