Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Wabiga Shabeelle oo Fatahaado horleh ka sameeyey gobolka Hiiraan

$
0
0

Beledweyne(RBC Radio) Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in deegaano fara badan oo hoos yimaada degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan uu wabiga Shabeelle ka sameeyey Fatahaado hor leh oo dhibaato  u geystay dadka ku dhaqan Tuulooyinka uu Fatahaadaha ka sameeyey Wabiga Shabeelle.

Goobaha ay sida ba’an u saameeyeen Fatahaadaha wabiga Shabeelle ayaa waxaa ka mid ah tuulooyinka ku teedsan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan iyo xaafadaha qaar ee degmada Beledweyne,Fatahaadaha ayaa baabi’iyey dgulbeereed fara badan oo ay tacbadeen dadka ku dhaqan deegaanadaas.

Fatahaadaha ayaa waxaa keenay kadib markii maalmihii u danbeeyey ay gobolkaas is xiriir ah uga da’ayeen roobab lixaad leh kuwaas oo sababay in wabigu uu sameeyo fatahaado,Roobabka guga oo ka da’aya qeybaha kala duwan ee dhulka Soomaalida ayaa waxaa si weyn ugu diirsaday dadka Soomaaliyeed oo ay soo daashadeen abaaro is xigxigay oo naafeeyey shacabka Soomaaliyeed.

Dadkii lahaa dhul beereedka uu baabi’iyey fatahaadaha wabiga Shabeelle ayaa ka dalbaday dowlada Soomaaliya iyo hay’adaha gargaarka iney caawinaad la gaaraan si ay uga samata baxaan dhibaatada kasoo gaartay Fatahaadda wabiga Shabeelle .

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles