Yeed(RBC Radio) Maamulka degmada Yeed ee gobolka Bakool ayaa dhaliil kulul u jeediyey dowlada federaalka Soomaaliya oo ay ku eedeeyeen iney ka gaabisay wax ka qabashada dhibaatooyinka faraha badan ee ka jira gobolkaas,gudoomiyaha degmada Yeed Cabdi Saadiq Duwane oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowladu ay indhaha ka laabatay dhibaatada ka jirta gobolka Bakool.
Gudoomiyaha ayaa tibaaxay in dowladu aysan wax gurmad ah u fidin shacabka gobolka Bakool oo uu sheegay iney dagaal ba’an kula jiraan cadow uu tilmaamay inuu kusoo duulay deegaanada gobolka Bakool,wuxuuna sheegay in alshabaab ay waxyeelo xoogan ku hayaan shacabka gobolkaas dowladune aysan wax gacan ah ka gaysan la dagaalanka alshabaab.
“Anagu isku tashanay waxaana naga go’an inaan dhammaan deegaanada iyo degmooyinka naga maqan inaan gacanteena si dhaqso ah usoo galino,balse waxaa wali bannaan kaalintii dowlada federaalka Soomaaliya”ayuu yiri gudoomiyaha degmada Yeed ee gobolka Bakool.
Gudoomiye Cabdi Saadiq ayaa baaq u diray madaxda ugu saraysa dowlada Soomaaliya iney u istaagaan wax ka qabashada dhibaatada alshabaab ay ku hayaan shacabka ku dhaqan degmadaas,wuxuuna ka dalbaday dowlada iney bixiso mushaharaadka ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ee ku sugan gobolka Bakool.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho