Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Goormaan Garan Doonnaa Waxa Inoo Dan ah? Qeybtii 2aad. W/Q Dr Cabdullaahi Axmed Karaani

$
0
0

GOORMAAN GARAN DOONNAA WAXA INOO DAN AH ?
Dr Cabdullaahi Axmed Karaani
karani38@aol.com
Abriil 22 2013

Qeybtii 2aad

- War ma waxaa inoo dan ah, in dhulkeennu nabaadguuro oon dhirteena dhuxuleyno dabadeedna dhoofinno , mise waxaa inoo dan ah, inaan degaankeenna ka ilaashanno xaaluf iyo nabaadguur ?

- War ma waxaa inoo dan ah , inaan shuruucda dalka ka tillaabsanno,mise inaan dhowrno Destuurka iyo shuruucdaba oo diinteenna xoojinno?

- War ma waxaa inoo dan ah, inaan caruurtenna ku ababinno dal jeceyl iyo guhaad wanaag, mise waxaa inoo dan ah, inaan illowno arrimahaas?

- War ma waxaa inoo dan ah, inaan qabiilka ka hormarinno dawladnimada, mise waxaa inoo dan ah, inaan baranno dawladnimo iyo maamul dawladeedba waxay yihiin?

- War ma waxaa inoo dan ah, in caddaalad- darri ina dhextaal, mise waxaa inoo dan ah, inaan isu aragno dad u wada siman sharciga oo caddaalad jecel?

- War ma waxaa inoo dan ah, in asaageen ina dhaafo, mise waxaa inoo dan ah, inaan tiigsanno asaageen oo misana horay u dhaafno?

- War ma waxaa inoo dan ah, inaan had iyo jeer iskhililaafno, mise waxaa inoo dan ah, inaan baranno sida loogu loollamo habka siyaaasadeed?

- War ma wxaa inoo dan ah, in dibedda nalooka soo daabulo cunto dadkeennu cuno, mise waxaa inoo dan ah inaan ku dadaalno sidaan beeraheenna u falan lahayn?

- War ma waxaa inoo dan ah, inaan ku jirno fitno iyo colaad, mise waxaa inoo dan ah, iskaashi, wadatashi iyo nabad gamuurta ?

- War ma waxaa inoo dan ah?????

FAALLO KOOBAN:

Dr Cabdullaahi Axmed Karaani

Qeybtii kowaad, waxaan ku sheegay iney inoo roon tahay , in leysu warramo oo leys weydiiyo waxa inoo dan ah , dad ahaan iyo dal ahaanba, taasoo qeyb ka noqon karta , waxa loo yaqaan Wacyigelinta dadweynaha soomaaliyeed. Run ahaantii, dadkeennu in badan bey waqtigoodii qaaliga ahaa ku lumiyeen arrimo aan faa’ido inoo lahayn, sida dagaal iyo burbur kd. marka wey habboon tahay in qofka maanta soddon jirka ah ee aan ku garaadsan dawlad maamulkeed iyo maamul sharciyeysanba, in lagu hanuuniyo , loona sheego waxa Dawladnimo tahay iyo in qorigu khatar u leeyahay, bulshada soomaaliyeed oo ka soo kabaneysa dagaalkii dheeraa oo ina aafeeyey , wiiqeyna Dawladnimadeennii iyo sharaftii ummadda soomaaliyeed guud ahaan.

In la wecyigeliyo dadweynaha la maamulayo,waa xil saaran ugu horraan, Dawladda dhexe ee soomaaliyeed iyo Dawlad goboleedyaba. Lakiin isla arrintaa loogama maarmo ,qofkastoo jecel waxa san, oo Diinteennu na fareyso,sida culimada, nabadoonnada,aqoonyahanka , siyaasiyiinta , haweenka soomaaliyeed,madaxda axsaabta iyo qurbajoogtaba kd.

Arrimaha aan qeybta labaad ku xusayo, waxaa ka mid ah, daryeelka degaankeenna, oo ah nolosheenna iyo in la joojiyo oo laga waantoobo xaalufinta dhirta. Waxaan kaloo xusay in loo baahan yahay in laga hawgalo kheyraadka Dalkeenna guud ahaan sida beeraha ,xoolaha iyo kalluumeysiga, iyadoo la dhiirrigelinayo dadka hawlahaas muhimka ah ku hawlan. Waxaan kaloo u arkaa muhim in la fahmo, in qabiilka oo laga hormariyo Dawladnimadeenna, ay inoo horseedeyso dhibaatooyin aan laga soo waaqsan doonin.

Ugu danbeyntii, ALLAHA, noo fududeeyo oo nawaafajiyo wixii inoo dan ah, asaga ayaa leh awoodda saree.

Waxaa soo diyaariyey qoraalka sare iyo faallodaba:

Dr. A. Karaani

QEYBTA 1AAD HALAAN KA AKHRISO

============================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles