Muqdisho (RBC) Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya mudane Mahamet Saleh Annadif ayaa cambaareeyay dilka wariyaha Radio Muqdisho, Mohamed Ibrahim Rageh oo la dilay galabtii axadda isagoo gurigiisa ku laabanaya.
Ergeyga ayaa tacsi u fidiyay ehelada, qaraabada iyo asxaabta, bahda radio Muqdisho iyo bulshada saxaafadda Soomaaliyeed. “Tani waa khasaaro u soo hooyatay Soomaaliya,” ayuu yiri.
Wuxu amaanay geesinimada wariyayaasha Soomaaliyeed isagoo xusay in Ibrahim uu yahay wariyihii afraad oo la dilo sanadkan. 18 wariye ayaa la dilay sanadkii la soo dhaafay.
“Saxaafadda waa qeyb muhiim ah oo kamid ah dimoqraadiyadda waana in la dhowraa. AMISOM waxay diyaar la tahay taageero waliba oo ay u baahantahay dowladda Federaalka Soomaaliyeed iyo ciidamada Qaranka Soomaaliyeed si weeraradan loo istaajiyo,” ayuu raaciyay.
Allah ha u naxariistee wariye Maxamed Ibraahim Raage oo ahaa 34 jir waxaa xalay maqribkii kooxo hubeysan ay ku toogteen albaabka gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Macmacaanka ee degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho waxyar kadib markii uu ka soo rawaxay shaqadiisa. Wuxuu ifka kaga tagay hal xaas iyo labo gabdhood oo yar yar.
Wariyahan ayaa noqonaya wariyihii afraad oo sanadkan 2013 oo hadda afar bilood laga qaatay lagu dilo Muqdisho taasoo walaac kale ku abuureysa suxufiyiinta ka shaqeeya warbaahinta guud ahaan Soomaaliya ku taalla.
Raysul wasaaraha Soomaaliya ayaa ku tilmaamay dilka wariyaasha inaan loo aaneyn karin diinta Islaamka, dhaqankana aanu meel ku lahayn.
Sidoo kake dulka wariyaha waxaa cambaareeyay Ururka Suxufiyiinta Qaranka ee NUSOJ oo ku tilmaamay dilkan mid naxdin leh.
Illaa hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay hay’adaha amaanka oo u xilsaaran xaqiijinta amniga guud ahaan muwaadiniinta.
RBC Radio