Garoowe (RBC RADIO) Ardaydan Fursada heshay ayaa Tiradoodu waxay Gaareysaa ilaa 100 Rag iyo Dumar isugu jira waxayna Nasiib u heleen in ay Xirfada Macalinnimo oo ay Jaamacada GTec ka Bartaan oo ay Ka qaateen Diploma ay uga sii dalacaan Degree 2sano ah oo ay isla jaamacada ku bartaan waxaana Barnaamijkan iska kaashanaya Jaamacada Tababarida macalimiinta iyo Jaamacada ka Dhisan Dalka Uganda ee la yiraahdo Islamic University In Uganda (IUIU) iyadoo Barnaamijku uu Isla Berito dhaqan gelidoono.
Xaflad loogu talagalay Furitaanka Barnaamijkan oo ka dhacday Xarunta Gtec ayaa waxaa kasoo qayb galay Masuuliyin ka socota Jaamada Gtec,IUIU,East ,African University, PSU, Bosaso University, Madax ka socota Wasaarada Waxbarashada iyo Marti sharaf kale,iyadoo madasha ay goob joog ahaayeen ardaydii Nasiibka u heshay in Barnaamijkaasi ay ka faa’ideystaan. Gudoomiyaha Jaamacada Gtec C/raxmaan Shiikh Doon oo hadalka ku horeeyey wuxuu sheegay in Jaamacada ay u taagantahay soo saarida Macalimiin tayo iyo Tusaale leh si iyagana ay soo shaac saaraan Aqoonta Dalka gacantana u qabtaan Ubadka yar ee Jahliga looga baqayo, wuxuu kaloo xusay In Jaamadacada ay u taagantahay ka qayb qaadashada la dirirka Jahliga si dalku isugu filnaado wuxuuna booriyay ardayda ka qayb galeysa Barnaamijkan uguna baaqay in ay si wanaagsan uga soo baxaan waajibaadka la saaray.
Masuuliyiinta Jaamacadaha iyo rugcadaayo kale oo tirabeel ah oo madasha ka hadlay waxay xuseen in wax lagu farxo ay tahay Arday Degree tiiksanaysa oo macalinnimo loo tababarayo waxayna rajeeyeen in si qota dheer arintan looga soo fakaray ayna tahay talaabo kudayasho mudan oo horay loo qaaday,Maxamed Cali Faarax oo Dadkii meesha ka hadlay ka mid ahaa kuna hadlayay Magaca Agaasimaha Guud ee Wasaarada Wax barasahda ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan looga gudbi doono Ardayda Dibada wax barsho u doonata kuwaasi oo dhibaatooyin kala duwan la kulma isagoo taa bedelkeed tusaale usoo qaatay jaamacadaha ka unkaday PUntland oo ay ugu horeyso Bariga Africa oo uu Tusaale usoo qaatay wuxuuna Cadeeyey in Jaamacadan dalka Uganda laga leeyahay ay jiraan fursado kale oo ay soo wado.
Wasiir kuxigeenka Wax barashada Puntland, Maxamed C/laahi Bootaan oo Barnaamijkan Furay wuxuu sheegay in waxbarasho aysan jirayn hadaan laga qayb qaadan sugida nabadgelyada Deegaanada Puntland isagoo sheegay in ay jiraan dad qas-wadayaal ah oo usoo dhigtay in ay carqaladeeyaan Nabada Puntland sidaa darteedna loo baahanyahay in leyska kaashado, Wasiirku wxuu kaloo Fursad qaali ah ku tilmaamay kaalinta ay heleen ardaydan 100ka gaareysa wuxuuna u hambalyeeyey jaamacadaha barnaamijkan ku heshiiyay in ay wadaan ee Gtec iyo IUIU.
Kuliyada Tababarka Macalinmiinta ee Gtec oo la aasaasay 2005tii ayaa ilaa waqtigaas waxaa ka qalinjabisay in ka badan 1000 (Kun) Arday waxaana jira Dadaal lagu hormarinayo Waxbarashada Kuliyada oo Ay Masuuliyiinta xaruntaasi ay iminka Wadaan.
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.