Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Hawlgal Lagu Qabtay Dad Looga Shakiyey Al Shabaab oo Laga Fuliyey Beledweyne

$
0
0

Beledweyne- Ciidamo cusub oo tababar loogu soo xiray Beledweyne. Sawirka/ Raxanreeb. Feb. 28, 2013.

Beledweyne (RBC) Sida uu sheegay gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Hiiraan ciidamada dawlada ee ku sugan Beledweyne ayaa maanta qaaday hawgal ay ku qabqabteen dad looga shakiyey inay ka tirsan yihiin kooxda Al Shabaab.

Gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Hiiraan Maxamed Ibraahim Cabdikariin ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay qabteen 10 ruux oo dhalinyaro ah oo looga shakiyey inay ka tirsan yihiin Al Shabaab xilli ciidamada ay wadeen hawlgal amniga lagu xaqiijinayo.

Gudoomiye ku xigeenku wuxuu sheegay in dadka ay qabteen ay yihiin dad la tuhunsan yahay oo aysan jirin wax cad oo lagu helay hase yeeshee baarutaan lagu sameynayo.

“Ciddii markaasi wax lagu waayo waa la siideyn doonaa, kuwa lagu helo inay ka tirsan yihiin kooxaha nabad diidka ahna maxkamad ayaan geyn doonaa.” ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Hiiraan Maxamed Ibraahim Cabdikariin.

Hawlgalkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee laga fuliyo magaalada Beledweyne tan iyo intii uu maamulka cusub ee ay dawladu magacawday uu xilka la wareegay bishan horaanteedii.

Magaalada Beledweyne waxaa ku sugan ciidamada Jabuuti oo qeyb ka ah kuwa AMISOM iyo tiro ciidamada Ethiopianka ah, Waxaana mudaba soo fiicnaanayey amaanka magaalada.

 

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles