Muqdisho(RBC Radio) Wararka aan ka heleyno wadada warshadaha ee magaalada Muqdisho ayaa tilmaamaya in galabta halkaas ay gaari ay saarneeyeen dad rayid ah ay rasaas ku fureen kooxo hubeysan oo ku labisnaa direeska ciidamada milateriga dowlada Soomaaliya.
Rasaasta ay gaariga ku fureen ragga ku labisan direeska ciidanka dowlada Soomaaliya ayaa dhalisay geerida gabadh Ardayada oo kamid ahayd rakaabka gaariga saarnaa oo xiligaas kasoo laabatay dugsigii ay waxkabaraneysay halka uu dhaawac soo gaaray wiil isne ka mid ahaa ardayda gaaariga la rasaaseeyey saarneed.
Mid kamid ahayd ardaydii gaariga saarneed oo ka badbaaday tacshiirada ay baabuurka huwiyeen raggii ku labisnaa direeska ciidanka dowlada ayaa sheegtay in gaariga ay gacanta u taageen kuna amreen inuu istaago xili uu marayey agagaarka Warshada Baastada ee degmada Hiliwaa rag ku labisnaa direeska ciidamada balse uu ka dhega adayga wadihii gaariga.
Raggii ku labisnaa direeska ciidanka ayaa intaa kadib rasaas ooda kaga qaaday gaarigii ay saarnaayeen dadka rayidka ah waxaana ka dhalatay rasaastaas dhimashada Gabdha iyo dhaawa wiilka oo labaduba ahaa arday ,raggii baabuurka ku furay rasaasta khasaaraha geysatay ayaa la sheegay iney goobta ka baxsadeen.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho