Garoowe (RBC RADIO) Duhurnimadii maanta ayaa diyaarad siday Ra’iisul Wasaare Saacid iyo wafdi uu hogaaminayo waxa ay soo caga dhigatay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Garoowe waxaana Safarka Ra’iisulwasaaraha ku weliyay Wasiirka Arimaha Gudaha, Maaliyada,iyo Sagaal xildhibaan oo ka tirasan Baarlamaanka Soomaliya, Garoonka diyaradaha waxaa kusoo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Wasiiro kale waxa uuna Mudane Saacid salaan Sharaf ka qaatay Ciidanka Qalabka sida ee Puntland wuxuu kaloo gacan qaaday dhamaan dadkii madasha u yimid in ay isaga soo dhaweeyaan waxaana kadib loo galbiyay dhanka Qasriga Madaxtooyada.
Wada qaydan kadib ayaa saxaafada waxaa la hadlay Madaxweynaha Puntland Dr C/raxmaan faroole wuxuuna sheegay in ay si diiran usoo dhaweynayaan madaxda Federaalka Ayna ka wada hadli doonaan wax badan oo danta Soomaalida ku jirto isla markaana ay go’aano badan isla meel dhigi doonaan.
“Qariib ma tihiin waxaad joogtaan dhulkiinii wada hadal baynu wada geli doonnaa oo inaga iyo idinka waxbaa inagu dhex maqan waana la xalin doonaa wax walba, sidaad la socotaan Puntland abaal wayn ayeey ku leedahay Federaalka maadaama shirarkii Dowlada soomaaliyeed lagu soo dhisay xoogiisa lagu qabtay Garoowe hadana waxa aynu isugu nimid waa maslaxada umada Soomaaliyeed waana rajeynayaa kulamadeena in ay mira dhali doonaan, sidaana waxaa yiri Madaxweynaha Puntland Dr C/Raxmaan Faroole.
Madaxweyne faroole wuxuu sheegay in Puntland ay Cadaw badan leedahay oo Alshabaab ay ka mid yihiin balse wuxuu sheegay in Dowlada Soomaaliyeed oo beesha caalamka taageero ka heleysa ay iska soo eryeen Alshabaab balse lagu soo riixay dhanka Puntland sida uu Madaxweynuhu hadalka u dhigay balse wuxuu sheegay in Puntland ka adkaatay Alshabaab kana sii adkaan doonto wuxuuna codsaday in laga wada shaqeeyo la dagaalanka kooxahaasi, dhibaato ku dhacda federaalku ayuu madaxweynuhu sheegay in ay ka damqanayaan sidaa si si la mid ahna ay Dowlada Soomaaliyeed ka dhawrayaan in iyagana Damqasho iyo wada shaqayn wacan laga helo sida uu Madaxweynuhu yiri.
Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo dhankiisa hadlay wuxuu xusay in uusan ilaawi doonin sida dhiiran ee loogu soo dhaweeyey Magaalada Garoowe wuxuuna u mahadceliyay Maamulka iyo Shacabka wadooyinka u taaknaa soo dhaweyntiisa Mudane Saacid wuxuu xusay in ay Farxad u tahay imaanshihiisa Puntland inta uu joogana uu kulamo la qaadan doono Madaxda Dowlada Soomaaliyeed.
“ waa hubaal imaansheheena Puntland waanu lasoo daahnay laakiin si kale wax uma jirine hawlo ayanu ku mashquulnayn balse mar walba ;laabta ayaanu ku haynay mar un in aanu takno Puntland lana kulanno shacabkeeda iyo Maamulkeeda Suuban, waan ogaa in Puntland taageero xoogan nalooga hayo taana waxaa muujineysa dadkii maanta laamiyada isugu soo baxay waan u mahadcelinayaa markale shacabka, sidaad la socotaan mid daah madow la saari karo maahan Doorka Puntland ay ka ciyaartay dhisitaanka Dowlad Soomaaliyeed oo adag waana ku mahadsan yihiin, waxaan kaloo ku faraxasanahay sida Amnigooda ay u sukteen cadawgana isaga dhiciyeen taageero ayaana la garab taagan nahay, sidaa darted shir ayaanu wada yeelan doonnaa insha allah wuuna mira Dhali doonaa ayuu yiri Mudane Saacid.
Marka la eego soo dhawaynta loo sameeyey Mudane Saacid iyo hadaladii ay soo kala jeediyeen isaga iyo Madaxweyne faroole waxay muujineysa in 2da dhinac ay ka wada hadlayaan sidii meesha looga saari lahaa siyaasada qalifsan ee u dhaxaysa isla markaana looga dhabaynlahaa Federaalisimkii markii hore lagu heshiiyey ee Dastuurka Soomalida ku qoran, waxaana inkastoo aan la shaacin inta uu joogayo garoowe Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadana wararku waxay sheegayaan in ilaa Bari uu nagi kusoo ahaandoono Magaalada kulamaduna ay sii socondoonaan, waxaa sidoo kale la filayaa in uu booqasho ku tago Goobo ka mid ah Magaalada sida goobaha Caafimaadka waxbarashada iyo Wasaaradaha Dowlada Puntland ay ku leedahay magaalada Garoowe.
Ibrahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Garoowe