Kismaayo (RBC Radio) Maamulka kumeeelgaarka ah ee magaalada Kismaayo ka arimiya ayaa sheegay in amniga magaalada Kismaayo uu yahay mid sugan oo aysan ka jirin qalqal dhanka amniga ah, sida uu sheegay afhayeenka maamulka ku-meel gaarka ah ee Kismaayo C/naasir Seeraar.
C/naasir Seeraar ayaa tilmaamay in amniga magaalada Kismaayo uu yahay mid wanaagsan balse xiliyada qaar waxa uu sheegay iney ka dhacaan falal lidi ku ah nabadgalyada magaalada,afhayeenka maamulka Kismaayo ayaa daboolka ka qaaday in maamulkoodu ay dadaal badan ku bixiyeen sidii loo xaqiijin lahaa amniga Kismaayo,isagoona intaa raaciyey in waqtiyada qaar ay ciidankodu dhibaateeyaan shacabka magaalada.
“Meesha kama saarayo in mararka qaar ay dhacdo in ciidamada maamulkeena hoos yimaada qaarkood ay dhibaateeyaan dadka rayidka ah,balse ahmiyadu waxay tahay in laga daba tago isla markaane sharciga lasoo taago askarigii dhib u geysta shacabka” ayuu yiri afhayeenka maamulka magaalada Kismaayo
Afhayeenka maamulka Kismaayo ayaa intaa ku daray in magaaladu ay tahay mid nabdoon oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Soomaaliyeed oo gacan ka helaya kuwa AMISOM gaar ahaan ciidamada dalka Kenya,wuxuuna hoosta ka xariiqay iney dadaal badan ku bixinayaan sidii ay u adkeyn lahaayeen nabadgalyada magaalada Kismaayo oo uu xiligan ka socdo shirka maamulka loogu samaynayo Juba-land.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho