Muqdisho(RBC Radio) Munaasabada ay ku midoobayeen ururo diimeedyada Al-islaax iyo Dammul-Jadiid ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya munaasabada ayaa ujeedkeedu ahaa dib u mideynta ururada Al-islaax iyo Dammul Jadiid oo markii horaba kala jabay waxaana madasha ku sugnaa culima udiin Soomaaliyeed oo fara badan.
Sheekh Maxamed Axmed Nuur Garyare oo ah aas-aasaha xarakada Al-islaax oo goobta hadal ka jeediyey ayaa ku dheeraaday ujeedooyinkii loo aas-aasay xaraka wuxuuna ku sheegay iney ahayd in looga hortago waxyaabihii xumaa ee dalka ka jiray xiligaas oo ku beegneed sanadkii 1978 sida uu hadalka u dhigay waxaana dalka ka arimineysay dowladii milateriga ee Jaalle Maxamed Siyaad uu madaxweynaha ka ahaa,isagoona intaa ku daray in heerka maanta ay xarakadu taagan tahay loosoo maray dhibaato aan lasoo koobi karin.
Sheekh Maxamed Garyare ayaa sheegay in Xarakada Al-islaax ay si weyn u fiday uguna bullaashay gudaha Soomaaliya xiliyadii burburka uu dalku ku jiray, dhanka kale mar uu soo hadal qaaday waxyaabaha keenay kala jabka xaraka ayuu tilmaamay iney ka danbeysay khilaaf ba’an oo soo kala dhexgalay hogaankii Al-islaax taasoo keentay in qayb ka mid ah ay labaxaan magaca Dammul-Jadiid.
Wuxuuna ku tilmaamay dib u mideynta xaraka Al-islaax iney tahay guul usoo hoyatay umada Soomaaliyee, Al-islaax iyo Dammul-Jadiid ayaa dib ugu midoobay magacoodii hore ee ahaa Al-islaax intii aysan labada garab u kala jabin.
Sheekh Cismaan Axmed waa gudoomiyaha xaraka Dammul-Jadiid wuxuuna ku tilmaamay dib u mideynta xarakada Al-islaax iney tahay wax lagu farxo,wuxuuna intaa ku daray in sanadihii ay khilaafka ku kala maqnaayeen ay ahayd wax laga xumaado oo aan sinaba u wanaagsaneen hada wixii ka danbeeyane aysan ogolaan doonin in khilaaf danbe uu ka dhex abuurmo xarakada dhexdeeda.
Afhayeenka hay’ada culimada Soomaaliyeed Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo isne ka mid ahaa aas-aasayaashii xarakada Al-islaax ayaa sheegay iney maanta farxad u tahay dadka Soomaaliyeed ee kasoo daalay tafaraaruqa culimada Soomaaliyeed isagoona bogaadiyey tallaabada geesinimada leh ee ay markale dib ugu midoobeen labadii garab ee Al-islaax.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho