Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dawlada oo Danjire Cusub u Magacawday Ingiriiska Iyo Raysul Wasaare Saacid oo Xog Siiyey Golaha Wasiirada (War Saxaafadeed)

$
0
0

Muqdisho (RBC) Danjiraha cusub ee dawlada Soomaaliya u fadhin doona wadanka Ingiriiska ayaa loo magacaacay mudane C/llaahi Maxamed Cali (oo ku magacdheer Sanbaloolshe), sidaasi waxaa lagu sheegay war saxaafadeed galabta ka soo baxay kulankii golaha wasiirada ee toddobaadlaha ahaa ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Magacaabista danjiraha cusub ayaa timid ka dib markii golaha wasiirada ay u codeeyeen iskuna raaceen si buuxda danjiraha cusub ee Soomaaliya uga wakiilka ah wadanka Ingiriiska.

Magacaabista mudane C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa imaaneysa xilli wadanka Ingiriiska uu ka dhici doono shirweyne looga arrinsanayo horumarka iyo dib u dhiska Soomaaliya kaasoo ay martigelineyso dawlada Ingiriiska bisha soo socota ee May 7-deeda.  Shirkan oo ka dhici doona magaalada London ayaa waxaa wada gudoomin doona madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo raysul wasaaraha Ingiriiska David Cameron.

Waa kuma Danjiraha cusub?

Cabdullaahi Maxamed Sanbaloolshe waxaa loo magacaabay danjiraha Soomaaliya ee UK.

Mudane C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe wuxuu ka mid yahay siyaasiyiinta qurbejoogta Soomaalida.  Xukuumaddii ku-meelgaarka ee sanadkii 2009 ayuu ka noqday wasiirka amniga qaranka ka dib isku shaandheyn lagu sameeyay golihii wasiirada bishii Agoosto 2009.

Dhanka kale raysul wasaaraha Soomaaliya ayaa isla kulanka maanta xigwaran ku siiyey golaha xukuumadda isagoo uga waramay socdaal qaatay mudo hal toddobaad ah oo uu ku soo maray wadamo gobolka ku yaalla iyo kuwa deriska la ah Soomaaliya.

Sida lagu sheegay war saxaafadeedka wuxuu raysul wasaaruhu ka hadlay waxyaabihii uga soo qabspomay safarkiisa oo ahaa kii ugu horreeyay ee uu dalka dibaddiisa ugu baxo.


WAR SAXAAFADEED

Shirkii Golaha wasiirrada ay ku yeesheen maanta xafiiska Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa shir guddoon ka ahaa mudane Cabdi Faarax Shirdoon, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxaana looga hadlay Ajendayaal muhiim ah, iyadoo war-bixin laga dhageystay xubnaha wefdigii Ra’iisul wasaaraha ee wadamada gobolka safarrada ku soo kala bixiyey, kuwaas oo faah faahin ka bixiyey waxyaabaha u soo qabsoommay.

Wasiir ku xiggeenka Warfaafibta, Boostada Isgaarsiinta iyo Gaadiidka mudane Ibraahim Isaaq Yarow ayaa warfidiyeennada war-bixin ka siiyey qodobbada ugu muhiimsanaa ee shirkooda, isagoo sheegay in goluhu ay ansixiyeen safiirka Soomaaliya u fariisanaya dalka Ingariiska oo loo magcaabay mudane C/llaahi Maxamed Cali “Sanbaloolshe.

Sidoo kale wasiir ku xiggeenka Warfaafinta ayaa tilmaamay in isla maanta la meel mariyey xeerka la dagaallanka argagixisada, isla markaana xeerkan uu noqon doono mid lagu qaado tallaabo amni oo muhiim ah, iyo howlo kale oo arrimaha dibedda ku  saabsan.

Ugu dambeyn mudane Ibraahim Isaaq Yarow ayaa hoosta ka xariiqay in shirka looga hadlay sidii loo soo nooleyn lahaa Bangigii Ganacsiga Soomaaliya si dadka Soomaaliyeed ay iga faa’ideystaan horumarka dalka ka socda.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa waddo xoojinta xiriirka diblumaasiyaddeed iyo sidoo kale dar dargalinta xaslinta ammaanka caasimadda iyo guud ahaan dalka, waxaana go’aannada shirka golaha wasiirrada ka soo baxay maanta dhammaantood ay ahaayeen kuwa ay ku calaamadeysan yihiin horumarka dowladda Federaalka Soomaaliya ay hiigsaneyso.  DHAMAAD-

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles