Muqdisho (RBC) Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa galabta kulankoodii toddobaadlaha ee Khamiista ay yeeshaan ayaa maanta waxay uga doodeen sharciga la dagaalanka argagixisada.
Wasiir ku xigeenka warfaafinta Ibraahim Isaaq Yarow ayaa sheegay in dood ka dib golaha wasiiradu isku raaceen sharcigan oo dhigaya habka lagula dagaalamayo loogana hortagayo kooxaha argagixisada ah.
“Xeerkan waa mid muhiim ah oo loogu talagalay in amniga wax looga qabto.” ayuu yiri wasiie ku xigeenka warfaafinta oo wariyaasha kula hadlay xafiiska raysul wasaaraha kadib markii uu dhamaaday shirka golaha wasiirada.
Sida wasiir ku xigeenku sheegay in dhaqangelinta xeerkan ay si dhakhso leh u qaadi doonaan hay’adaha amaanka oo iyaga laftooda loo qaabeyn doono fulinta sharcigan.
War saxaafadeed ka soo baxay golaha wasiirada ayaa sidoo kale sheegay in dib u habeyn lagu sameyn doono hay’adaha amaanka, taasoo u muuqata in dawladu aqbashay dhaliilaha culus ee beryahan ku duldhacayey hay’adaha amaanka oo ay ugu horreyso wasaaradda arrimaha gudaha kadib qaraxyadii dhimashada badan sababay ee maalinimadii Axaddii ka dhacay caasimada kuwaasoo ay sheegatay kooxda Al Shabaab.
Tan iyo markii la magacaabay xukuumadda cusub ee Soomaaliya ma jirin xeer ku saabsan la dagaalanka argagixisada, inkastoo dawlada iyo ciidamada Afrikaanka ee taageeraya ay ku jireen dagaal toos ah oo ay kula jireen kooxaha Al Qaacida iyo Al Shabaab.
Soo saarista sharciga cusub ee la dagaalanka argagixisada ayaa yimid xilli masuuliyiinta ugu sarreeya dawlada ay wacad ku mareen inay amaanka wax ka qaban doonaan ayna tallaabooyin culus ka qaadi doonaan kooxda Al Shabaab oo masuul ka ahayd weeraradii Axaddii la soo dhaafay lagu qaaday xarunta garsoorka ee magaalada Muqdisho halkaasii ay ku naf waayeen soddomeeyo ruux oo shacab Soomaaliyeed ah ayna ku dhaawacmeen 58 kale oo weli isbitaalada jiifa.
Sida iuu sheegayo dastuurka dalka, sharcigan ay maanta ansixiyeen golaha wasiirada dawlada federaalka Soomaaliya ayaa u baahnaan doona in baarlamaankla la horgeeyo ayna ansixiyaan ka hor inta uusan noqonin sharci dalku ku dhaqmo.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho