Baydhabo(RBC Radio) Wafti ballaaran oo ka socda hay’adaha qaramada midoobe ayaa maanta ka dagay garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waftiga ayaa la sheegay in ujeedka safarkoodu uu la xiriiro sidii ay hay’adaha qaramada midoobe dib uga bilaabi lahaayeen gobolka Baay hawlihii ay ku caawin jireen shacabka ku dhaqan gobolkaas.
Waftiga hay’adaha qaramada midoobe ayaa waxaa si diiran magaalada Baydhabo ugu soo dhaweeyey maamulka gobolka Baay oo uu hogaaminayo gudoomiyaha maamulka gobolkaas Cabdi Aadan Hoosow iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka gobolkaas.
Saraakiisha qaramada midoobe ayaa xiligan kulan albaabadu u xiran yihiin oo ay saxaafadu dibad joog ka tahay la leh masuuliyiinta maamulka gobolka Baay,waxaana lagu wadaa in marka uu soo gabagaboobo kulankaas ay labada dhinac la hadlaan warbaahinta kana warbixiyaan waxyaabihii ay ka wada hadleen.
Maamulka gobolka Baay ayaa maalmihii danbe ku celcelinayey in hay’adaha qaramada midoobe ay si deg deg ah uga hawlgalaan gobolka Baay oo ay ka maqnaayeen sanadihii danbe kadib markii ururrka alshabaab oo gacan ku haynta goboladaas la wareegay ay hay’adaha ku amreen iney goboladaas iskaga baxaan.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho