Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Taliska AMISOM ee Beledweyne oo ka warbixiyey Qarax saaka lala eegtay Ciidankooda

$
0
0

 

Beledweyne(RBC Radio) Taliska AMISOM ee magaalada Beledweyne ayaa ka warbixiyey qarax maanta lagu weeraray ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Beledweyne gaar ahaan ciidamada Jabuuti ee Hiil-walaal taliyaha ciidamada Jabuuti ee gobolka Hiiraan  ee qaybta ka ah hawlgalka AMISOM Cismaan Dubbad ayaa sheegay in qaraxa lagu weeraray ciidankooda.

Taliyaha Dubbad ayaa sheegay in qaraxa oo ahaa Bamka gacanta laga tuuro lagu weeraray ciidanka ka tirsan kuwa Jabuuti xili ay ku sugnaayeen bartamaha  suuqa magaalada Beledweyne,  wuxuuna tilmaamay in qaraxaasi uusan khasaare u geysan ciidankii AMISOM ee la bartilmaameedsaday balse wuxuu intaa ku daray in 2 ruux oo rayid ay ku dhaawacmeen qaraxaas.

Cismaan Dubbad taliyaha ciidamada AMISOM ee gobolka Hiiraan ayaa shaaca ka qaaday in falalka nuucaas ah aysan waxba u dhibi doonin hawlaha ay ku taageerayaan shacabka gobolka Hiiraan ee ay ka wadaan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

 

 

 

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles