Gedo badan!
Xassan Cabdullaahi Xaashi (timacadde)
hassanhashi2010@hotmail.com
Abriil 16 2013
Maansadani Gedo badan waxay faaqidaysaa mawduucyo badan ooo khuseeya nolosha aadmiga, waxay tilmaamaysaa waxyaalo badan oo waaqici ah oo ka dhaca dalkeenna iyo dunida guudkeedaba kuna dhaca dadkeenna iyo dadwaynaha kaleba, waa talo iyo tusaale, waa dhiiri galin, waa han dhisid, waa habqan diid, waa colaad hiif, Waa maanso sida magaceedu sheegayoba dhinacyo badan taabanaysa una baahan in la dhuuxo micnaha ay wataan ereyadu.Bal aan idiin kala dhex baxo adiga iyo maansada Gedo badan.
Gudcur ruux dhaqaaqoo
Galay hawdka ciidoo
Galawga iyo fiintii
Midba gees ka yuusoo
Guguc iyo hillaac iyo
Guuleeto roobiyo
Gufaacadu haleeshoo
Gawsaha is galiyoo
Dhaxantii gilgilaysaa
Sow gocashadiisii
Guri iyo jir maahayn!
ruux gubay dadkiisoo
guluf weerar galiyoo
gabay wiilashiisoo
gurboodkiyo dhallaankii
gegi maran ku soo tubay
sow gocashadiisii
geesigii xijaabtiyo
go’ay ciila maahayn!
Gabadh reer u joogtoo
Gashaantiyoo ilwaadloo
Gaariyoo qurxoonoo
Gelbiskiyo arooskii
Loo gabagabeeyoo
Galab iyo dharaartii
Xilka gudan taqaanoo
Gurac helay dhibaatada
Iyo golongolkeedaa
Sow gocashadeedii
Guur hiifid maahoo
Garre idil ma diideyn!
Ruux aad gargaartoo
Garabkiisa taagtoo
Geel iyo gammaan faras
Gacantaada siisoo
Nafta aad u goysoo
U go’doontay awgii
Hadii uu garaadow
Ku gumaado yaabee
Sow gocashadaadii
Abaal guun ahaayoo
La gorfeeyey maahayn!
Waxaan oga gol leeyahay
Ninba meeshi gubaysaa
Isagay u gaar tahay
Cabdiyoow(1) garaadow
Geesiyoow halyeeyow
Adaa garasho dheeroo
Ila garan warkaygoon
Gaar kuula doontee
Garashada xumaatiyo
Gef ka dhaca aroortii
Hadii aanad galabtii
Sixin waa go’doonee
Adigaan gilgilashada
orodkiyo garmaamada
Gees wacan usoo rogin
Guul kuuma taallee
Ma ogtahay garaadow
Wax garruun u haystoo
Guba libinta diidoo
Gaaryeela baa jira
Baqo weeye guunoo
Gasha laabta hoosee
Adba dhiirri gooboo
Garo waa hal doorkee!
Ma ogtahay garaadow
Waagii guduudataba
Ama seexo guudkoo
Riyo guud ku noolow!
Ama toos garqaadkoo
Riyadaada gaaroo
Guro miraha soo baxa!
Waxa aan garaadow
Garo qaado leeyahay
Gibil weeye oodane
Dhoollaha guntoodiyo
qosolkaa ku gaadh xidhan
Gebi noolahoo idil
Ha gargaaro waa talo
Marna gamas rasaas iyo
Guluf iyo colaad iyo
Guba gubana yuu noqon!
Ma ogtahay garaadow
Waxay noloshu goysaa
Gaar kuugu keentaa
Fursad gooniyoo kale
Berri lagu gardaadshee
Hanka yaannu kaa go’in!
Hadii ay garaadow
Murugadu gadhkaagiyo
Garbahaaga joogtaa
Tagtadii gedoontaad
Galabtaas ku nooshay!
Hadii uu garaadow
wal wal uu ku gaaroo
walbahaar ku galayoo
gadhka iyo jilbaha iyo
ku gadaammey laabtii
geeddiga hortiisaad
guratee alaabtii
gurgurshaaga hoy celi!
Hadii aad garaadow
Daganaansho gacaliyo
Gobanimo ku nooshahay
Gocashiyo dhib ay jirin
Waa guul Ilaahay
Waxad galabta joogtaa!
Afartaa geddaydii
Dhaha waa gudoonkii
Waa roob gudgude iyo
Karantoo gu’ dabadii
Guguc soo mir celisiyo
Goofimiyo may da’ay!
Hadaad garato sii raac
Godolada ka sii maal
Gabayguna inoo furan!
Shacabyahow gablamayee
Hadba gees u jeedee
Cunay gaararkiisee
Gabaahiirta joogaa
Gadhwadeenka kaaga ah
Muxuu kuu gumaadaa?
Gacan hoorsi baas iyo
Muxuu guluf ku galiyaa!
Gegi maran ku taagaa!
Shacabyahow gablamayaa
Gudoonkiyo waxgaradkiyo
Hal abuurkiyo gabaygiyo
Ninka guudka kuu sida
Garan waaye taladiyo
Waxa kula gudboonee
Iyagaa ku gubayoo
Hadba gobol ku duulee
Ma inkaar gabowdaa
Garabkaaga daartoo
Godob aad samaysaa
Lagaa goynayaayoo
Waa gedo horuu jirey!
Shacabyahow gablamayaa
Adigaa is gooyoo
Gacantaadi jarayee
Gaas kula dagaaloo
Madaafiicda goobtiyo
Rasaas kugula goobtiyo
Waxaa jira gumeeyoo
Gegidaa bannaankaa
Adigaa is geeyoo
Isu dhigay gallaydhkii
Ku googooyn lahaayee
Gabbal dhacay miyaad tahay?
Afartaa geddaydii
Dhaha waa gudoonkii
Waa roob gudgude iyo
Karantoo gu’ dabadii
Guguc soo mir celisiyo
Goofimiyo may da’ay!
Hadaad garato sii raac
Godolada ka sii maal
Gabayguna inoo furan!
Inkastoo gu’gii Da’ay
Geyigana barwaaqadu
Wada gaadhin sabankaan
Guul oomman baan nahay!
Waxaan uga gol leeyahay
Geedigu badhaadhiyo
Gole ha wacan ha gaadhee
Sahankuna ha gaaxsado!
(1)Cabduraxmaan Xassan Xuseen(garaad)
Hal Abuur:Xassan Cabdullaahi Xaashi(timacadde)
Email:hassanhashi2010@hotmail.com
=================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM