Baydhabo(RBC Radio) Saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya ee gobolka Baay ayaa sheegay iney maalmaha foodda nagu soo haya alshabaab ka saarayaan guud ahaan gobolka Baay taliyaha ciidamada milateriga dowlada Soomaaliya ee gobolkaas Xasan Isxaaq Cumar ayaa daboolka ka qaaday iney alshabaab ka saari doonaan guud ahaan deegaanada ay hada kaga harsan yihiin gobolka Baay.
Taliyaha ayaa sheegay iney ciidanka u dejiyeen qorshihii dagaal ee ay kula dagaalami lahaayeen ay shabaabka ku sugan deegaanada qaar ee gobolkaas,wuxuuna tilmaamay in ciidanka dowlada Soomaaliya ay u diyaarsan yihiin dagaalka,isla markaane ay dajiyeen qidadii ay alshabaab kaga adkaan lahaayeen.
Taliayaha milateriga dowlada Soomaaliya ee gobolka Baay ayaa tilmaamay iney dib ugu noqonayaan degmada Ufurow ee gobolka Baay halkaas oo shalay ay banneeyeen ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia,waxaana durbadiiba gacan ku hayntaa degmadaas dib ula wareegay alshabaab.
Hadalka kasoo yeeray taliyaha Milateriga dowlada Soomaaliya ee ku aaddan iney alshabaab ka saarayaan gobolkaas ayaanan ahayn mid ku cusub dhegaha shacabka,waxayna dad badan is weydiinayaan sababaha keenaya in ciidamada dowlada Soomaaliya ee gobolada Baay iyo Bakool ay dib uga soo baxaan degmooyin ay hore u qabsadeen.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho