Ciidan xoog leh yeelan maayee allow cadowga iga celi
Abukar Y. Warsame
abukar60@netscape.net
Abriil 13 2013
Qoraalkan gaaban waxaan ugu talagalay inaan kaga qayb qaato maamuuska maalinta 12ka April oo loo dabbaaldegayo aasaaskii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS). Akhristow inta aanan u guda gelin ujeeddada qoraalka oo faah-faahsan bal iga oggolow si ku meel gaar ah in aan xikmad Soomaaliyeed oo ahayd in illaahey uu awoodo inuu kaa aqbalo saddexda codsi ee soo socda balse uusan kaa yeelayn anna aan ku darsado codsiga cinwaanku xambaarsan yahay oo ah kan afaraad ee buluugga ah.
1. Cibaadeysan maayee allow ha i cadaabin.
2. Xoogsan maayee allow xoolo i sii.
3. Guursan maayee allow ha i gablamin.
4. Ciidan xoog leh yeelan maayee allow cadowgayga iga celi.
Waxaan shaki ku jirin in awoodda ilaahey ay wax walba ku qabsoomi karaan oo “kun fa yakuun” amarkiisa ah ay wax walba ku suurtoobi karaan balse uu haddana ilaahey na amray inaan cibaadeysanno sidii aan caradiisa iyo cadaabkiisa uga badbaadno. Wuxuu ina faray inaan xoogsanno sidii Nabi Ciise hooyadiis Maryama (naxariisi korkooda ha ahaatee) loo amray iney geedka ruxdo si timirtu ugu soo dhacdo iyadoo ilaahey awooday inuu iskeed ugu soo rido timirta iyadoon far qaadin. Tan guurkana waa iska caddahay oo ilaahey waa awooda inuu ilmo ku siiyo adoon laguu galmoon sida Maryama (Nabi Ciise hooyadiis) balse taranka bani’aadamka ilaahey wuxuu sabab uga dhigay kulanka labka iyo dheddigga. Codsiga afaraad ee aan saddexdaas hore ku kordhiyay waa mid ilaahey awoodo inuu cadaw kasta oo ku soo duula dad ama dal uu kaga difaaco awooddiisa sida Duulkii Maroodiyaasha (Asxaabul Fiil) ee Abraha oo kacbada inuu bur-buriyo u soo tafa xeytay ilaahey shimbiro dhagaxyo tuuraya iyo daad ku jebiyey. Shimbirahaas ilaahey ku salladay cadwgiisa iyo gacan sarrayntooda xagga cirka oo Abrahaama ciidankiisu aysan haysan awood xagga ciidanka difaaca cirka waxay ku tusineysa in ilaahey awooday in cadowgaas ay meeshooda sooba dhaafi waayaan maadaama maroodiyaashii kari waayeen in ay jihada Kacbada u dhaqaaqaan balse ilaahey ciidankiisa shimbiraha ayuu u adeegsaday isagoo ka ajiibay ducadii Cabdul Mudhalib bin Haashim oo ahaa awoowihii Nabi Maxamed (Naxariisi korkiisa ha ahaatee). Ducadaasi waxay ahayd “Ilaahayow addoomankagu guryahooda ayay ilaashanayaan ee adiguna guryahaaga ilaasho”.
Waxaa xaqiiqo ah in geyiga Soomaaliyeed aysan ku oollin guryahaas barakaysan inkastoo goobo badan oo lagu cibaadeysto iyo ummad Muslim ah oo ilaahey difaaciisa iyo daryeelkiisa u baahan ay ku dhex nool yihiin haddana waxaan shaki ku jirin in loo baahan yahay awood ciidan oo ilaalisa deegaankaas iyo dadkiisaba. Ilaahey qaddartiis, dadkii u soo halgamay xornimada ummadda Soomaaliyeed waxay garawsadeen in dawlad Soomaaliyeed iyo xornimo la qaato ay ka horreyso in la helo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo ilaalin kara xornimadaas curdanka ah waana xikmadda xornimadii iyo midnamadii 1da Luulyo 1960 looga hormariyey aasaaska CXDS oo ku began 12ka April 1960. Ciidankaasi waa mid aan lagu soo xuli jirin reer tolkaa baa ciidan u baahan iyo reer hebel baa la iska dhicinayaa ee wuxuu ahaa ciidan ku yimid rabitaan ku jihaysan daafaca sharafta dadkiisa iyo dalkiisa inkastoo askarinimaduna ahayd xirfad lagu xoogsado. Dawladdii Soomaaliyeeed ee ciidanka u qoratayna waxay kafaala qaadday noloshooda iyo tan reerkoodaba waxay ku dabbari lahaayeen oo ay ugu horreyso qoondo raashin, mushahaar iyo gunnooyinba, deegaan, iyo dharkii ciidan ee ay xiran lahaayeen oo mararka qaarkood ay ka soo haraan dhawr gabal oo ilmaha dugsiga dhigta looga tolo dabo-gaabyo kaaki ah. Waxaa intaas u dheeraa tababr ciidan oo tayo leh iyo agabkii ciidan oo u ku guto hawsha loo igmaday ee ah difaaca xuduudaha dalka oo dhan ha noqoto midka berriga, badda, iyo hawadaba. Waxaa markhaati ma doonto ah sidii kartida iyo geesinamada lahay ee CXDS ay u guteen waajibaadkoodii qarannimo markii ay foodda is dareen ciidankii Ethiopia 1964 iyo 1977.
Waqti badan iyo qoraallo dhaadheer bay u baahan tahay in aan uga hadalnno awooddii ciidankaas faraheenna ka baxay, qaybtii CXDS uu ku lahaa bur-burkii iyo qaran jabkii dhacay, iyo ciddii masuuliyaddaas lahaydba kuwaasoo ka baxsan ujeeddada qoraalkan. Nasiib wanaag ilaahey wuxuu maanta noo shalay in dawladnimadii aan gacmaheenna ku burburinnay aan dib u hananno iyadoo aad u tabar daran. Sidii ay 53 sano ka hor u garawsadeen halgamayaashii xornimada iyo aabbayaashii aasaaska u taagay dawladda Soomaaliya, waxaa muhiim ah inaan garawsanno in aysan dawladnimada maanta dib loo helay aysan hanaqaad noqonayn ilaa laga helo ciidan ka daafaca cadowga dibedda iyo kan gudahaba. Ciidan aan haysan qalabkii iyo hubkii uu ku gudan lahaa hawshaas difaaca qaranka ee loo igmadayna wuxuu noqonayaa mid fadhiid ah oo magaca CXDS meel ka dhac ku ah waayo “Xoog” uu “Dalka Soomaaliyeed” ku difaaco ma lahan oo ciidan beeleed waxba kagama duwana. Waxaan maanta oo ku beegan 53 sano ka dib aasaaskii CXDS aan wada garawsannahay baahida loo qabo dib u dhiska ciidan la mid ah ama ka tayo roon kii horey inooga bur-buray. Sida muuqata ciidan wata magaca “Land” oo qabiil ku abtirsada marnaba ma buuxin karo kaalintii CXDS waayo waxay noqdeen ama noqonayaan ciidan ku hanaqaaday “Gurigeygaan ilaashanayaa ee Ilaahayow geyiga intiisa kale saad rabto ka yeel”.
Waxaa nasiib darro ah in bulshada Soomaaliyeed iyo maamul goboleedyada qaarkood ay ka soo hor jeesteen xayiraaddii hubka ee laga qaaday dawladda Soomaaliya iyagoo ku andacoonaya in hubkaasi uu gacanta u geli karo koox ama ciidan qabiil ku abtirsada. Waa loo garaabi karaa dadka ku doodaya in collaaddii iyo raadkii dagaalka sokeeye reebay ay weli muuqdaan oo hub cusub uu dhib keeni karo balse waxaan marna macquul ahayn in lagu taamo dib-u-yagleelidda dawladnimadii faraheenna ka baxday 22 sano ka hor iyadoon la soo celin awooddii CXDS. Waxaan qabaa in shakigaas iyo is aamminaad darridaas laga gudbi karo haddii la helo maskax ka fiyow caadifad qabiil iyo goboleysi. Sidoo kale waa in madaxda qaranaku ay la timaaddaa wax-qabad ku wajahan sidii shakigaas bulshada qaarkeed qabto looga shaafi bixin lahaa oo ay u tusi lahayd in dib u soo nooleynta haybaddii iyo sharaftii CXDS ay dani ugu jirto qof kasta oo magaca Soomaaliyeed ku abtirsada. Ilaahey xaggiisa waxba kama ahan inuu cadawgeenna gudaha iyo dibeddaba uu deero yaacday ka yeelo innagga oo aan far nuuxin balse ciidankii baacsan lahaa cadowgaas oo sidii aar dul jooga ku noqon lahaa baa la inooga baahan yahay inaan dib-u- dhisanno.
Abukar Y. Warsame
abukar60@netscape.net
=================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM