Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Wadamada G8-ka oo ku Baaqay in lasii Wado Taageerada la siiyo Soomaaliya

$
0
0

London(RBC Radio) Wasiirada arimaha dibada wadamada warshadaha ku hormaray ee G8-ka oo laba maalmood ku shirsanaa magaalada London ee caasimada wadanka Ingiriiska ayaa gabagabadii kulankooda war murtiyeed ay soo saareen si weyn ugu amaanay horumarada dhinacyada soo celinta xasiloonida iyo hawlaha banii’aadaninimada ee dalka Soomaaliya.

Shirka oo uu shir gudoominayey xoghayaha arimaha dibada Ingiriiska Wilium Hague ayaa waxa ay Wasiiradda arrimaha dibadda ee dalalka G8 ayaa soo dhoweeyeen  dedaalka Midowga Afrika, dalalka ciidamada ugu deeqay howgalka AMISOM, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo deeq bixiyayaasha caalamka..

Wasiirada arimaha dibada dalalka ku hormaray warshadaha ee G8 ayaa soo jeediyey in lasii wado dadaalada lagu taageerayo dowlada Soomaaliya oo xiligan dadaal ugu jirta hanashada nabadgalyada iyo xasiloonida dalka Soomaaliya.

Wasiirada wadamada G8-ka ayaa sidoo kale soo qaaday shirka Bisha soo socota ee May dhinacyada Soomaalida loogu qabanayo magaalada London iyo shirar kale oo daba jooga kuwaas oo dhamaantood lagu taageerayo dowlada Soomaaliya.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles