Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweyne Xasan Sh. oo Muqdisho kula kulmay wafti ka socda Dowlada Ingiriiska

$
0
0

 

Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa wada hadal xafiiskiisa kula yeeshay wafti ka socda dowlada Ingiriiska oo soo gaaray magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya waftiga Ingiriiska ee kulanka la qaatay madaxweyne Xasan Sh. ayaa waxaa hogaaminayey la taliyaha dhanka amaanka ee R/wasaaraha Ingiriiska Oliver Robbing Son  waxaana safarkiisa ku wehliyey xubno ay kamid yihiin Safiiraka dowlada  Ingiriiska u fadhiya dalka Soomaaliya.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa markii uu soo gabagaboobay waxaa saxaafada uga warbxiyey waxyaabihii looga wada hadlay la taliyaha dhanka Amaanka R/wasaare David Cameron-ka dalka Ingiriiska  Oliver Robbing Son.

Oliver Robbing son ayaa sheegay iney madaxweynaha Soomaaliya ay  ka wada arinsadeen qabsoomida shir weynaha lagu qaban doono magaalada London ee ay garwadeenka ka tahay dowlada Ingiriiska ee 7-da bisha May ee soo socota  ka furmaya magaalada  London ee caasimada wadanka Uk.

Oliver ayaa  intaa ku daray iney madaxweyne Xasan Sh isla soo qaadeen dardargalinta hawlaha shirka London, dhanka kale waxaa warbaahinta la hadlay C/raxmaan Sheekh Ciise oo ah la taliyaha madaxweynaha Soomaaliya ee dhanka amniga ayaa isne sheegay in diyaar garowga shirak London uu marayo meel wanaagsan.

Bisha foodda inagu soo haysa ee May ayaa waxaa lagu wadaa in magaalada London ka furmo shirweyne ay si wada jir ah u shir gudoomin doonaan madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya  Xasan Sheekh Max’uud iyo Raysal wasaaraha dalka Ingiriiska David Cameron shirkaas oo Soomaaliya loogu raadinayo taageerada beesha caalamka.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles