Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Ciidamada Taraafikada Soomaaliyeed oo Muqdisho kusoo qabqabtay inkabadan Boqol Mooto

$
0
0

 

Muqdisho(RBC Radio) Taliska ilaalada wadooyinka  Taraafikada  ayaa maanta soo bandhigay in ka badan Boqol Mooto oo ay kasoo qabteen gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya taliyaha ciidamada ilaalada wadooyinka Taraafikada Cali Xirsi Barre “Cali-gaab”  oo shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyey hawlgalo ay 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay  ka sameeyeen magaalada Muqdisho.

Jen. Cali-gaab ayaa sheegay in iyaga oo fulinaya amar kasoo  baxay booliska Soomaaliyeed oo ahaa in lasoo qabqabtay Mootooyinka lagu dhexwato magaalada Muqdisho caasimada Soomaaliya ay qaadeen hawlgal ballaaran oo ay kusoo qabqabteen  ilaa Boqol Mooto(Dhug-dhugley)

Sababta ka danbeysay qabqabashada Mooyooyinka ayuu taliyuhu ka micneeyey iney la xiriirto adkeynta amniga caasimada Muqdisho iyo ka hortagida khasaaraha ka dhasha shilalka Mootooyinka,wuxuuna tibaaxay in dhibaatada ay geystaan dadka Mootooyinka wata ay kusoo bateen magaalada Muqdisho isla markaane ay ciidanka Taraafikada ku adkaatay iney soo qabtaan Mootooyinkaas maadaama aysan lahayn Taariko lagu baadi doono(Sumad).

 

 

 

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles