Baay(RBC Radio) Dagaal dhimasho iyo dhaawac geystay ayaa ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Baay waraka ka imaanaya deegaanka Cadaada oo u dhexeeya degmada Bardaale iyo deegaanka Awdiinle ee gobolka Baay ayaa ku waramaya in halkaas uu xalay dagaal ku dhexmaray ciidamada dowlada Soomaaliya iyo alshabaab.
Dagaalka oo ay qaadeen ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa inta la xaqiijiyey geystay dhimashada Saddex ruux waxaana dagaalka ka dhashay dhaawacyo soo gaaray dad aan tiradooda la cayimin oo u badnaa dhinacyadii dagaalama, gudoomiyaha degmada Bardaale ee gobolka Baay Max’ed Isxaaq Caracase oo warnbaahinta la hadlay ayaa sheegay iney weerarka qaadeen ciidamada dowlada Soomaaliya ayna ku guuleysteen ujeedkii ay ka lahaayeen.
Gudoomiye Caracase ayaa intaa ku daray in ciidamada dowlada Soomaaliya ay si buuxda ula wareegeen deegaanka Cadaada oo ahaa halka lagu dagaalamay wuxuuna intaa ku daray iney khasaare aan baaxad leh ay dagaalka ku gaarsiiyeey alshabaab,wuxuuna tilmaamay in xiligan uu xasiloon yahay goobtii lagu dagaalamay isla markaane ay gacanta ku hayaan ciidamada xooga dalka Soomaaliya.
Gudoomiyaha degmada Bardaale Max’ed Isxaaq Caracase ayaa hoosta ka xariiqay iney sii wadi doonaan dagaalada ay ku qaadayaan deegaanada ay gobolka kaga sugan yihiin alshabaab isla markaane ay ka sifeyn doonaan gobolada Baay iyo Bakool.
Alshabaab oo dagaalka qayb ka ahaa ayaan ilaa hada wax war ah kasoo saarin dagaalka ka dhacay deegaanka Cadaada ee u dhexeeya degmada Bardaale iyo deegaanka Awdiinle ee ay masuuliyiinta dowladu sheegteen iney alshabaab kala wareegeen.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho