Muqdisho (RBC) Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa shaaca ka qaaday in dawladu ay ka warqabto lix shirkadood oo labo ka mid ah ajnabi yihiin kuwaasoo amaanka ka shaqeeya.
“Shirkadahan waa kuwa amaanka ku hawlan oo gudaha jooga, waxayna ku shaqeeyaan sida waafaqsan dastuurka, laakiin wa kuwo diiwaangashan laga soo bilaabo noocyada hubka ay heystaan, baabuurtooda illaa xuduuda goobaha ay ka hawlgalayaan.” ayuu yiri wasiirka oo wareyi dheer siiyey wargeyska Carabiga ee Sharqal Awsat.
Wasiir Cabdikariin ayaa sheegay in dawlada guud ahaan iyo gaar ahaan wasaaraddu aysan ogeyn wixii ka soo hara lixda shirkadood ee uu sheegay inay labo ka mid ah yihiin kuwo ajnabi ah kana shaqeeya amaanka gaarka ah.
Ciidan loo xilsaaray caasimada
Wasiir Cabdikariin oo la weydiiyey ciidamada gaarka ah ee loo xilsaaray sugidda amaanka caasimada ayaa wuxuu qiray inay jiraan ciidan dhan kun askari kuwaasoo loo igmaday sugida amaanka degmooyinka ay ka kooban tahay caasimada.
“Ciidankan ma ahan kuwo meel kale ka yimid waxay ka tirsan yihiin ciidamada amaanka, tiradoodu waa 1,000 askari oo leh tababar xirfadeed, kumana jiraan wax ajnabi ah.” ayuu sii raaciyey wasiirka oo ay weydiisay Sharqal Awsat.
Dilkii dhalinyarada xabsiyada
Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Soomaaliya waxaa la weydiiyey tiro dhalinyaro ah oo bishii hore meydadkooda lagu arkay waddooyinka caasimada qaarkood ka dib markii la sheegay in xabsi lagala soo baxay oo la toogtay.
“Dilku wuu dhacay. Meydadkii dadkii la dilayna waa la helay, laakiin waxay tahay; yaa sameeyay dembigan? sidee loo dilay dadkaas? maxayse ahaayeen? dhamaan arrimahan baaris ayaa ku socota. Haddiise ay yihiin dadka la dilay maxaabiis u xirneyd dawlada, yaa dilay oo ay gacantiisa ku dhinteen? waqtigee la dilay? ma maxkamad la’aan mise maxkamad baa lagu dilay?. Baaritaanku wuu socdaa si loo ogaado dhabta arrintan. Natiijada ka soo baxda baaristana siu rasmi ah loo shaacin doonaa.” ayuu ku jawaabay wasiirka arrimaha gudaha.
Xiriirka Mareykanka iyo dawlada ee dhanka amniga
Sharqal Awsat ayaa weydiisay wasiirka xiriirka dawlada Mareykanka iyo dawlada Soomaaliya ee ku wajahan la dagaalanka argagixisada, wuxuuna wasiirku sheegay in dagaalka argagixisada uu ka gudbay qaaradaha adduunka isla markaana Mareykanka iyo Soomaaliya uu ka dhexeeyo xiriir wanaagsan dhanka amniga maadaama buu yiri labada dal ay dhibaato ka soogaartay falalka kooxaha argagixisada.
RBC Radio
______________________
*Isha wareysiga waa wargeyska Sharqal Awsat. Waxaa tarjumay Raxanreeb.com