Horseedayaasha Halaaga Hogaamiyaha
Abdirahman Moxamed (Xiddig)
xiddig@gmail.com
Abriil 09 2013
Waa saddex sifo oo aan hogaamiyaha u haboonayn. Waxay u horseedaan hoog iyo halaag, burbur iyo baaba’. Waxay dhaxalsiiyaan maamul-xumo iyo magac-xumo. Waxay ugu abuuraan dadka dhexdooda neceeb iyo naxli. Waxayna u diidaan nasniino iyo naxariis in uu ku naaloodo. Cid walba ayaa ciil, cuqdad iyo carro ugu qaada. Haddii uu xal u waayana colaad iyo cadaawad gaamurtay ayeeyba ku keenaan. Heer ay ka tuuraan kursigiisii oo ay ka qaadaan karaamada. Hadalka Guracan, Gacanta Laaban iyo Garta Eexo waa saddex sifo oo hogaamiyaha haybadda ka qaada haddii uu hadaf ka dhigto.
Hadalka guracan wuxuu dhex dhigaa dadka xumaan iyo xanaf. Wuxuu ku abuuraa qalbi jab, wuxuuna dhaxalsiiyaa in la is qoqobo lana is quursado. Ma haboona qof hogaamiya ah hadal guracan in uu yidhaahdo, sababtuna waxay tahay in ay dhibaato ugu dhex abuurmayso dadka uu maamulayo. Oo hadhow waxaa adkaanaysa in uu amiir u noqdo dadkiisa, una arimiyo. Intaas waxaa u sii dheer, hadalka guracan dadka ayuu kaa dheereeyaa oo uu ku nacsiiyaa. Waxaa xaqiiqo ah, dhibaatooyin badan oo ina haysta maanta in aan ka dhaxalnay hadal guracan oo aan loo meel dayin. Waxaa is leeyahay, haddii ay hogaamiyaasheena hadalka iyo hawraarta hagaajin lahaayeen, shacabka iyo shaqaduba way u hagaagi lahaayeen. Balse, nasiib darro wax dhaca ma aha.
Hadaba, bal fiiri Nabiga (SCW) iyo qaabka uu dadka ula hadli jiray. Gurigiisa waxaa ku noolaa Anas (Allaha ka raali noqdee) toban sano. Wuxuu yidhi: waligeey hadal gurucan oo xanaf iyo xanuun ii keena igu muusan oranin Nabiga (SCW). Iska daa Anas oo khaadimkiisii ahaaye, dadkii xataa ka soo horjeeday ee la dagaalamayey, hadal guracan kuma uusan oran abid Rasuulka (SCW). Tani, waxay dhaxalsiisay in uu noqdo hogaamiyihii adduunka ugu hogaanka fiicnaa, oo gaal iyo muslimba ay isku raaceen maamul wanaagiisa. Tusaalahani wuxuu u yahay cashar Muslimiinta oo dhan gaar ahaan hogaamiyaasha Muslimiinta ee Soomaaliyeed. Hadalka guracan caaqibo xumo iyo cadaab Alle ayuu keenaa. Mucaad (Allah aka raali noqdee) ayaa Nabiga (SCW) waydiiyay, “Rasuulka Allow mana loo qabanayaa waxaan carabkaa ka niraahno” Nabiga (SCW) wuxuu ku jawaabay, “Hooyada haku waydo Mucaadow, maxaa dadka naarta madax-madax ugu tuura waxay carabkooda ku mutaysteen maahaane”(Saxiix).
Abwaanka da’da yar Maxamed Muumin “Ababe” isagoo tilmaamaya Nabiga (SCW) hadal guracan in uusan ku oran kuwii xataa dhibka u geeystay wuxuu yidhi:
Duulkii Quraysheed,
Markii ay ku diideen,
Xaqa dib uga jeesteen,
Kii Daaif tagayee,
Sharciga u daliilshow,
Inkastoo dagaaleen,
Daqarana u gaysteen,
Carro kaan dareemine,
Iyaga u duceeyoow,
Dayibkii aan jeclaayow,
Daaha yaa xabiibi,
Duco iyo salaaniba
ha noqdeen dushaadee,
Sidaas si la mid ah, hogaamiyaha uma haboona gacan laabnaan in lugu barto. Gacanta laaban maal jeceel ayeey mujisaa, waxayna astaan u tahay bakhaylnimo. Hawlo badan oo la hirgalin lahaa, ama hirgali lahaana, way hakisaa. Waxaa haboon hogaamiyaha in lugu barto deeqsinimo iyo damac la’aan. Oo wixii looga soo baahnaado uusan maya oranin. Qofka Hogaamiyaha ah waa in uu noqdaa qof lugu soo hirto, dadkuna danahooda iyo daryeelkoodaba u sheegtaan. Waa in uu ogaadaa maalka loo dhiibtay amaano in uu yahay, dayaca iyo takrifalkana uu ka ilaaliyo inta awoodiisa ah. Haddii ay noqoto in uu shillin waayo, waxaa haboon shacabka shafaafnimo in uu u muujiyo. Marka ay ugu yartahay, tani, waxay meesha ka saaraysaa shaki soo kala dhexgala hogaamiyaha iyo shacabkiisa.
Bal fiiri maamulkii, maarayntii iyo maamuuskii Rasuulka (SCW), waligiis luguma sheegin gacan laabnaan, waligiisna cid wax waydiisatay maya ma uusan oranin. Wuxuu u bixin jiray baa la yidhi maalka sida shaqsi aan faqri ka cabsan oo kale. Cunto gurigiisa looga baahanyahay ayuu mar marka qaar dariska ugu deeqi jiray. Reer baadiye badanbaa deeqsinimadiisa markii ay la yaabeen soo galay diinta. Heer uu midkood yidhaahdo, “tolkeygiiyow, Islaamka soo gala, sababtoo ah Maxamed [SCW] wuxuu u bixinayaa maalka sida aan qof faqriga ka baqayn oo kale.” Deeqsinimadu maxabo ayeey beertaa, halka gacan laabnaantu bakhaylnimo ay muujiso.
Hadraawi isagoo tilmaamaya Nabiga (SCW) deeqsinimadiisii iyo galladiisii sida loogu dawoobay, wuxuu yidhi:
Dunidoo la iibshoo,
dadku kala irdhooboo,
dhasha aabbayaashii
nolol aasayaanoo,
qofkastaa itaalkii,
ku adeeganaayoo,
ruuxaan awood-layn,
la addoonsanaayoo,
dadku ooyayaanoo,
umal-taah ku seexdaan,
Nebigii axsaantiyo,
galladiyo abaalkiyo,
soo rogey ammaankow,
Hogaamiyaha sidoo kale waxaa haboon in aan lugu baran gar eexo. Garta eexo waxay calaamad u tahay cadaalad darro. Soomaalidii hore iyagoo necbaa gaalada ayeey haddana ku hadal qabsan jireen, “gaalka dil gartiisana sii,” oo macno ahaan ka turjumaysa meesha ugu sareysa cadaalada. Waxay muujinaysaa dadkii hore halka ay cadaalada ka gaareen iyo halka aan ka joogno maanta. Diintayadu suuban waxay ina faraysaa cadaalad loo sameeyo aadanaha oo dhan. Cadaaladu waxay astaan u tahay hogaanka wanaagsan. Oo maamulkii cadaalad laga waayaa, waa mid jiritaankiisu koobanyahay. Sheekhul Islaam Ibn Taymiyah Wuxuu yidhi, “Alle wuu u gargaaraa dowlad cadaalada ku dhaqanta, haba ahaatee dowlad gaalo ah, balse Alle uma gargaaro dowlad gardarada ku dhaqanta, haba ahaato haddii ay doonto dowlad Islaam ahe”. Maanta waxaan la noolnahay tusaalooyin noo qeexaya caaqibo xumada ay leedahay garta eexo haddii uu hogaamiyaha caadaysto.
Bal fiiri sida ay cadaaladu Rasuulka (SCW) calaamad ay ugu ahayd. Waligiis, noloshiisa cidna ma dulmin mana ka eexan. Gaal iyo muslimba way gaartay cadaaladiisa, oo xataa kuwii cadowga ku ahaa way u garowsadeen arinkaas. Wuxuu gaaray heer uu ka yidhi cadaalad darrada: “kii aan si qaldan ugu xukmiyo maal uusan lahayn, ha ogaado in aan u xukmiyay gabal naarta ka mid ah.” Gar eexo iyo gar darro abid luguma sheegin. “Wallaahi” ayuu yidhi, “Haddii ay Faadimah ina Maxamed ay xado, waxaan jari lahaa gacanteeda” isagoo cadaynaya cadaaladiisa.
Hadraawi, mar labaad isagoo tilmaamaya Nabiga (SCW) cadaaladiisii iyo runtiisii wuxuu yidhi,
Xaqa kama ajoodow,
runta kama adkaystow,
ammaanada ma lumiyow,
dadka uma abtiriyow,
ammaantaada Nebiyow,
afku koobi maayee,
waxaad olol bakhtiisiyo,
waxaad eedo reebtiyo,
waxaad uun daweysiyo,
waxaad eel bogsiisiyo,
waxaad aafo damisiyo,
illinkaad bannaysiyo,
dhaqankiyo asluubtiyo,
garaadkiyo aqoontiyo,
iimaanka sugan baa,
dadku kaaga aayee,
axdigaagu waa tiir,
ummaddaadu mudantahay,
Ugu dambayntii, sifooyinkan saddexda ah, looguma talagalin hogaamiye Muslim ah in uu ku sifoobo. Oo dhaqan iyo dharba uu ka dhigto. Balse, nasiib darro waxay inoo noqdeen dhaqamo joogto ah. Hogaamiye walba oo na soo mara calaamad ayeey u yihiin. Oo summadiisa iyo saxiixiisa ayeey ka dhiganyihiin. Waxaa yar hogaamiye ka badbaaday oo damiirka iyo caqligaba si nadiif leh ugu eegay dhibaatoyinka ay leeyihiin sifooyinkan. Malaha waxayba ku sifoobeen, tixdii Abwaan Shube markuu lahaa:
Ha yeeshee waxaa damman ah,
Damiirkii garan lahaa,
Inay dihin ciidu tahay,
Dulyaashkana dhowri lahaa,
Dahsoontana baari lahaa,
Doorkii cilmigaan shaqayn,
Bal adba!
=================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM