Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Wasaarada Caafimaadka ee Puntland oo ka warbixisay Taloobooyin wax ku ool ah oo kusoo kordhay Caafimaadka Deegaanada Puntland.

$
0
0

 

 

Garoowe (RBC RADIO) Agaasimaha Guud ee Wasaarada  Caafimaadka Dowlada Puntland C/risaaq Xirsi Xasan oo si  gaar ah ugu waramay Raxan-Reeb .com oo Maanta booqatay Xarunta Wasaarada ay ku leedahay Magaalada Garoowe ayaa sheegay in Talaabooyin wax ku ool ah oo dhanka Caafimaadka la xiriira la gaaray, isagoo tusaale usoo qaatay in 24ka bishan ay Wasaaradu ku dhaqaaqi doonto in 6dii cudur  ee dilaaga ahaa ee laga talaali jiray Hooyooyinka iyo Caruurta Reer Puntland lagu soo kordhiyay  3 cudur oo kale  in laga talaalo oo uu ka mid yahay Cagaarshowga iyo Cuduro kale iyadoo Wasaaradu si toos ah ugu dhawaaqi doonto 24ka bishan aynu ku guda jirno in arintaasi la hirgeshay kadib dadaal dheer oo la sameeyey  sida uu Agaasimuhu sheegay.

 

C/risaaq Xirsi Xasan ayaa mar uu ka jawaabayay waxa uga qabsoomay kormeerka ay ku hayeen Dhaqaatiirta ajaaniibta  ah ee  u badan goobaha Caafimaadka Puntland iyo ka war qabkooda ayuu sheegay in Dhaqtar aan aqoon-sigiisa wax barasho lahayn uusan ku sugnayn Puntland tan iyo intii ay Wareegtadaasi soo saareen iyadoo bulshada laga ilaalinayo in dhibaato ay kasoo gaarto caafimaadka ama qof aan aqoon dhaqtarnimo lahayn uu bulshada dawooyin u qoro taasoo dhibaatadeeda leh  ,wuxuu kaloo agaasimuhu xusay in ay laysin u samayn doonaan Goor dhaw Goobaha Caafimaadka ee Puntland ku yaala canshuurna laga qaadi doono,lana kala saari doono kooda fiican iyo kan xun ee ku dhex dhuumanaya sida uu Agaasimuhu yiri.

 

Mar uu ka hadlayay Dawooyinka Dhacay ama waqtigooda dhamaaday ee lagu gadayo Goobaha Caafimaadka sida  Farmashiyada iyo dadka aan aqoonta u lahayn gadida dawooyinka ayuu sheegay in Soomaliya burburkii kadib ay ka dilaaceen wax uu ugu yeeray Agaasimuhu Burcad-Caafimaad oo bililiqaystay Xirfadi caafimaadka Dalka isagoo sheegay in ay taageero ka helaan Gancsatada Dawooyinka keena qaar oo iyana arintaasi qayb ka ah hase ahaatee wuxuu ku goodiyay in Wasaaradu ay arimahaasi horay bayaan uga soo saartay ayna jiraan daba galo iyo kormeero ay ku hayso Goobaha Caafimaadka ee magaalooyinka Puntland cidi lagu helo Cadaymo arintaasi muujinaya sharciga lala hortagi doonaa sida uu Agaasimuhu yiri.

.

Inkastoo wasaaradu ay xil weyn iska saartay gaarsiinta Caafimaad waafi ah Goobaha Fogfog  sida ay xaqiijiyeen madaxda Caafimaadka Puntland  hadana wuxuu agaasimaha Guud u sheegay Raxan-Reeb in Qorshaha ugu horeeya ay ugu jirto u gargaarida dadka danyarta ah iyo Reer miyiga taasoo ah buu yiri mid ka mid ah hadafyada aynu Damacsannahay wuxuuna sheegay in tuulooyinka Puntland intooda badan ay u yeeleen koox wareegta oo Caafimaad gaarsiisa halka looga baahanyahay meel kasta oo ay tagaanah dadka u gargaara adeegaasna waanu sii wadaynaa ayuu yiri C/risaaq Xirsi Xasan.

 

Wasaarada Caafimaadka Puntland oo Marka la eego kaalimaha hore kaga jirta Wasaarada Puntland ka jira ayaa 5ta sano ee soo socota diyaarisay istiraatiijiyada caafimaad ee Gobolada Puntland waxayna ku hawlantahay Talaabooyin lagu sii hormarinayo Caafimaadka Guud ee Shacbiga ku dhaqan Puntland sida ay Hogaanka Wasaaradaasi inoo Xaqiijiyeen.

Ibrahim Wadani

RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles