Garoowe (RBC RADIO) Sida uu Raxan-Reeb u Xaqiijiyay Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Puntland Maxamuud Xaaji Saalax (Biriishkole) waxaa maanta Golaha Wasiirada Puntland isku Raaceen in Gobol la Magacbaxay Guardafu lagu kordhiyo 8da Gobol ee Puntland horay uga jiray kaasi oo ku noqonaya 9 Gobol waxaana leysla afgartay in Caasimad looga dhigo Caluula, sidoo kale Murcanyo ayaa ka mid ah Degmooyinka Gobolka Cusub uu yeelanayo, sida uu Wasiirka inoo sheegay Degmooyinka kale ee ay ka mid tahay Baargaal,Gunax, iyo Xaafuun in ay qayb ka noqon doonaan Gobolkaasi Cusub, iyadoo go’aankaasi ay wada gaareen Golaha Wasiirada Puntland oo uu shir-gudoominayay Madaxweynaha Puntland Dr C/raxmaan Faroole loona Gudbin doono Golaha Wakiilada si ay u Meel mariyaan ama u diidaan.
“ Dadka Deegaanada iminka Gobolka loo sameeyey ku nool ayaa dalbaday arintan 2sano ayaana arintan ka mira dhalinteeda ku jirnay si meesha looga saaro dad maamul aan jirin sheegta ee goobahaasi ku sugan si dadka aan ugu qancino in ay ku qanacsanaadaan Maamulkooda Puntland ayna ka shaqeeyaan Nabadgelyada Hormarka iyo Gancsiga deegaanadaasi, waxaana dadaal badan kadib hada inoo meel maray in Gobolkaan Cusub aan kusoo kordhinno Puntland, Guardafu marka la eego waa kalmad Talyaani ah laakiin waxaa la oran jiray awalki hore Raascasayr looguna yeeri jiray sidaa ayaana la gacloonay in Gobolkaasi uu ku hirgalo waxaan filayaa in dadka deegaanku ay soo dhaweynayaan Go’aanka Dowlada, sidaana waxaa yiri Wasiirka Beeraha Puntland Mr Biriishkole mar uu Raxan-Reeb la hadlayay.
Inta uu kulankan socday ayaa sidoo kale waxaa Gobolka Hay’land loo magacaabay 2degmo oo horleh kuwaasi oo kala ah Ceelaayo iyo Buraan degmooyinkaasi oo qayb ka ah Gobolkaasi, sidoo kale degmo cusub ayaa lagu biiriyay Gobolka Mudug degmadaasi oo la yiraahdo Towfiiq, inkastoo wali Wararkaani aysan si toos ah u shaacin Dowlada Puntland ayaa hadana waxaa xaqiijiyay Wasiirka Beeraha Puntland oo aan la xiriirnay.
” Deegaanada Iminka Gobolka Cusub loo magacaabay waxay ka tirsanaayeen Gobolka Bari oo Caasimad ay u ahayd Boosaaso, arintaana waxaa loo sameeyey si ay u qancaan Dadka ku nool Deegaanadaasi oo xili hore qolo Mucaarad ku ah Dowlada Puntland ay kaga dhawaaqeen Maamul la magaxbaxay Casayr-Land wallow uusan cagabadan ku taaknayn maamulkaasi sida dadka qaarkii ay aaminsan yihiin , waxaana Puntland ugu talagashay horayna loo gaarsiiyay hadana loo xoojin doonaa mashaariicda hormarineed ee Puntland ay ka hesho Deeqbixiyeyaasha si loo hakiyo Cabashada xoogan ee kasoo yeeraysa Dadka ku dhaqan Deenadaada iminka Gobolka laga dhigay ee Horay Gobolka Bari uga tirsanaa sidaana waxaa yiri Wasiirka Beeraha Puntland Maxamuud Xaaji Saalax (Biriishkole).
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.