Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweyne Xasan Sh. oo Kormeer ku maraya Xeryaha Ciidamada dowlada ee Muqdisho

$
0
0

 

Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa maanta kormeer ku maraya xeryaha ay ciidamada xooga dalka ku leeyihiin gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya kormeerka madaxweynaha ayaa gogol xaar u ah u diyaar garowga xuska maalinta -ka April oo ah markii la aas aasay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sh. Max’uud ayaa kormeerkiisa ka bilaabay Xerada Jaziira ee ku taala duleedka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya halkaas oo ay ku jiraa kumanaan askari oo ka tirsan ciidamada xooga dalka oo tababar ku qaata,wuxuuna u kuurgalay xaaladaha ciidanka ku jira xeradaas.

Madaxweynaha oo hadal u jeediyey ciidamada ku jira xerada Jaziira ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Soomaaliya ay ahmiyad gaara siineyso dhisida ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya wuxuuna u ballan qaaday marka ay soo dhameystaan iney heli doonaan qalabkii milateri ee ay ku hawlgali lahaayeen iyo mushahar joogto ah.

Wuxuuna kula dardaarmay iney u adeegaan shacabkooda kana waantoobaan dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed,wuxuuna wacad ku maraya madaxweyne Xasan Sh.  in la toogan doono askarigii dhibaato u geystay shacabka,isagoona uga digay iney shacabka kula kacaan.Dil,Dhac iyo Kufsi intaba.

Madaxweynaha ayaa intaa kadib sii guda galay kormeerkiisa xeryaha ciidamada xooga wuxuuna

lugta labaad ee kormeerkiisa ku tagay dugsiga tababarka Booliska Soomaaliyeed ee Jen.Kaahiya halkaas oo ay klu jiraan ciidan kor u dhaafaya Kun askari oo ku tababaranaya dugsiga tababarka booliska Soomaaliyeed ee Jen. kaahiye,madaxweynaha ayaa halkaa gaaray daqiiqado ka hor wuxuuna ku guda jiraa xiligan u kuurgalida xaaladaha xarunta iyo ciidamada ku jira walow uusan wali wax hadal ah jeedin.

Maalinta 12-ka bisha April sanadkii 1960 ayaa ku beeganayd  aas-aaskii ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed,dowlada Soomaaliya ayaa ku hawlan sidii ay dib ugu dhisi lahayd ciidankii qalabka siday ee Soomaaliya oo ku burburay dagaaladii dalka ka dhacay.

 

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles