Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Xukuumadda oo ku hanjabtay in tallaabo laga qaadi doono cid kasta oo ka hor-timaadda Shirkadaha Shidaalka ka baadhaya Somaliland

$
0
0

Hargeysa(RBC):- Xukuumadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday in tallaabo laga qaadi doono cid kasta oo isku-dayda inay qaab beelaysan, gobolaysan, degmaysan ama kooxaysan uga hor-timaaddo Shirkadaha Shisheeye iyo Hay’adaha dawliga ah ee ku hawllan sahaminta iyo baadhitaanka Shidaalka iyo Saliidda Somaliland ku duugan.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Wareegto Madaxweyne oo uu galabta soo saaray ku sheegay inay Xukuumadda dhexe Masuul ka tahay baadhitaanka, sahaminta iyo soo saarista khayraadka debeeciga ah ee Somaliland ku duugan, sidaa daraaddeed-na aan loo dul-qaadan doonin cid kasta oo tallaabo diidmo ah kala hor-timaadda hirgelinta soo saarista khayraadka debeeciga ah.

Qoraalka Wareegta Madaxweynaha oo ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka madaxtooyada ee magaalada Hargeysa, waxa uu u qornaa sidan:-

“Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta soo saaray Wareegto Madaxweyne oo summaddeedu tahay JSL/M/WM/222-1689/042013, taas oo ku saabsan khayraadka dabeeciga ah ee Somaliland:

Madaxweynuhu:- Xukuumaddu waxay xil mug iyo miisaan leh iska saartay sidii loo manaafa-caadsan lahaa Khayraadka dabiiciga ah ee ku duugan dhulka Somaliland. Sidaas awgeed, sida aad ka warhaysaan waxa dalka ka socda baadhitaanno lagu sahaminaayo Khayraadka ku jira Dalka; sida shidaalka iyo Saliidda, kawaas oo ka mid ah hantida Guud ee dalka.

Sida ku xusan Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland Qodobka 12aad, Faqradiisa 4aad, Khayraadka Dabiiciga ah ee Dalka waxa mas’uul ka ah Dawladda-dhexe, waxaanay qaadaysaa tallaabo kasta oo suurtagal ah si loo baadho, loogana faa’iidaysto Khayraadka ku jira berriga iyo badda. Bulshada Somaliland waxa lagu wargelinayaa inay ilaaliyaan habsami-u-socodka Shaqada, lana shaqeeyaan Hay’addaha Dawladda ee Shaqada ku hawlan.

Haddaba, waxa aan farayaa Hay’addaha ay wareegtadani khusayso, inay tallaabo sharci ah ka qaadaan cid kasta oo ka hor-timaadda, isku-dayda dhaq-dhaqaaq diidmo oo beelaysan, deegaamaysan iyo abaabul kasta oo nabad-gelyada ka dhan ah.”

RBC Radio

Xafiiska wararka ee Hargeysa.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles