Muqdisho(RBC Radio) Kulankii 12-aad ee kala fadhigii 2-aad ayey maanta magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ku yeesheen mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cawad Cabdalla oo ah gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee baarlamaanka ayaa ahaa shir gudoonka maanta kulanka ay yeesheen mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Kooramka shirka ayaa ku furmay 130 xildhibaan waxaana markiiba la guda galay ajandayaashii kulanka oo ay ugu weynaayeen la xisaabtanka xukuumada iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa xukuumada iyo baarlamaanka.
Shir gudoonka kulanka ayaa ka dhaqaajiyey in R/wasaaraha Soomaaliya iyo xukuumada oo laga sugayey iney baarlamaanka hor keenaan wax-qabadkooda uu R/wasaaruhu gudoonka baarlamaanka usoo gudbiyey codsi uu ku dalbanayo in dib loogu dhigo soo jeedita ku aaddan inuu baarlamaanka hor yimaado,Mahad Cabdalla Cawad oo ahaa shir gudoonka ayaa soo jeediyey in R/wasaaraha loogu daro muddo 20 cisho iyagoona dhamaan xubnaha baarlamaanku ay ku raaceen tala soo jeedintaas.
Xubno ka tirsan baarlamaanka ayaa soo gudbiyey mooshin ku saabsan in wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka la horkeeno baarlamaanka si su’aalo ay u weydiiyaan,waxaana ka mid ah su’aalaha horyaalla wasiirka sida ay ku dhacday maxaabiis lagala baxay xabsiyada dowlada kadibne la togtay.
Mudanayaasha ayaa isku waafaqay in 14-ka bishan uu wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka C/kariin Xuseen Guuleed uu hor yimaado baarlamaanka federaalka Soomaaliya si uu uga jawaabo su’aalaha ay doonayaan iney weydiiyaan wasiirka ee ku saabsan amniga dalka.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho