Sao Paulo [RBC Radio] Waxaa caawa lugu wada in dalka Brazil uu ka furmo ciyaaraha cubadda cagta Adduunka,waxaana muddo ku siman labo saacadod ka dhici doonta magaalada Sao Paulo munaasabada dahfurka oo ay ka qeyb-galaya madax iyo marti sharaf kale.
Furitaanka tartanka kubadda cagta adduunka waxaa sannadka ka qeyb-galaya wafti ka socda xiriirka kubadda cagta Soomaaliya,waxaana ay xilligaan ku sugan-yihiin magaalada Sao Paulo ee dalka Brazil si ay uga qeybgalaan furitaanka tartanka koobka aduunka .
Xubnaha wafdiga waxaa kamid ah guddoomiyaha xiriirka Soomaaliya ee kubbadda cagta Cali Saciid Guuleed Rooble, guddoomiye ku xigeenkiisa koowaad Cali Cabdi Max’ed (Cali Shiino) iyo xoghayaha guud ee xiriirka Cabdiqani Saciid Carab, iyada oo furitaanka kaddib ay dalka dib ugu soo laaban doonaan.
Cabdiqani Saciid Carab oo ah xog-hayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta ayaa sheegay in sidoo kale ay Brazil kaga qeybqaadanayaan shirka sanadlaha ee ururka kubbadda cagta adduunka ee FIFA.
Xoghayaha ayaa xusay in loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ay sameeyaan ku dayasho dhanka kubbadda ah oo ay uga daydaan dadka reer Brazil oo uu sheegay in meel kasta oo bannaan ah oo ku taalla waddanka lagu ciyaaro.
Ugu danbeyn,tartanka kubadda cagta ee caawa furmaya waxaa lugu furidaanno xulka martigalinaya ciyaaraha ee Brazil iyo xulka kubadda cagta dalka Croatia,waxaana Afrika laga daawan doonna ciyaartan 11:00 pm balse munaasabada lugu furayo waxaa ay bilaabaneysa 9:00 pm saacada Afrika.
____
RBC Radio