Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20307

Horyaalka kubadda cagta gobollada Puntland:Gobolka Bari oo laga badiyey iyo gobolka Mudug oo guul weyn gaarey [Sawirro]

$
0
0

14

Garoowe [RBC Radio] Kaddib markii shaley si rasmi ah uu u furmay tartanka sannad laha ah ee loo qabto gobollada Puntland,ayaa waxaa maanta dhacey ciyaaro xiiso badan,waxaana isku arkey gobollada Bari iyo Sool oo kawada tirsan guruubka B iyo gobollada Mudug iyo Cayn oo isla guruubka ka tirsan.

Ciyaarahan oo umuuqanayey kuwa ugu xiisaha badan tartanka waxaa ka soo qeyb-galey boqollaal dadweyne ah kuwaaso taageerayaal u ahaa gobollada is arkey,waxaana ciyaarta hore ay dhexmartey xulalka gobalka Bari iyo Sool,waxaana ay soo bandhigeen ciyaar aad u adag.

Labada gobolka ayaa ciyaartoodu waxaa ay ahaayd weerar iyo weerar celis la isku qaaday iyadoo waqtigii loogu tala galay ciyaarta ay ku itlaatay 2-1 oo guusha ku raacday gobalka Sool.

Mudug oo guul gartey

Ciyaar kale oo iyaduna dhacdey waxaa ay dhexmartey gobolada Mudug iyo Cayn, taasi oo ahayd mid adag kana mid ah guruubka B.

Qeybtii hore ee ciyaarta gobolka Mudug ciyaartooydii ka socotey ayaa waxaa ay weerar is xig xigey ku qaaden goosha xulka Cayn,waxaana weerarrada suragaliyeen  inay dhaliyaan labo gool oo uu u saxiixey weerar-yahan kooda ka ciyaara garabka ee la yirahdo Xaamud Cabdilaahi Warsame.

1

Waxaa la filayey inay ciyaarta wax iska badalan qeybtii danbe balse taas ma dhicin oo ciyartooydii gobolka Mudug ayaa waxaa ay xoojiyeen weerarkooda taaso ay ku keenen goolkii saddexad waxaana goolka u dhaliyey Cabdikaafi Xiiray oo lanbarka sagaalad ugu ciyaara xulka Mudud,goolkas ayaana quusiyey xulka Cayn waxaa ayna guusha sidaa ku raacday ciyaartoyda Mudug.

Waxaa xusid mudan inuu dhaawac soo gaarey gool-celiyaha gobolka Mudug Farxaan Muuse Salwe kaaso laga saarey ciyaarta.

Tartanka oo bilow ah waxaa uu ku socda siwanagan,waxaana lugu wada berri oo Khamiis ah inay wada ciyaaran xulalka Nugaal iyo Karkaar iyo Sanaag iyo Garduul,waxaana qorshuhu yahay in ciyaarta hore ay ciyaaran xulka gobolka Nugaal iyo Karkaar.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18

_____
RBC Radio

 

Use Facebook to Comment on this Post


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20307

Trending Articles