Muqdisho [RBC Radio] Xarunta Villa Hargeysa oo ku dhextaalla xarunta madaxtooyada dalka xafiisyana ay ku leeyihiin guddoomiyaha baarlamaanka iyo guddiyada joogtada ah waxaa maanta ka dhacay kulan looga hadlayey qabka ay ku dhici karto in Soomaaliya looga hirgaliyo nidaamka Axsaabta Siyaadda.
Kulanka waxaa uu dhexmarey guddoomiyaha baarlamaanka iyo guddiyada jogtada ah,waxaana shir guddoominayey guddoomiyaha baarlamaanka,Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari,guddoomiyaha baarlamaanka dalka ayaa intii lugu gudda jirey kulanka waxaa uu soo jeediyey qabka ay ula muuqato in dalka looga hirgalin karo nidamka xibiyada.
..””Arrintan ku saabsan Nidaamka Axsaabta Siyaasadda iyo sameyntooda, ahmiyad gaar ah ayay leedahay, Ahmiyaddaasi ay leedahay darteed ayaan gudigan u sameynay, Xukuumadda nafteeda Xubno ayaan ka siinay, inay joint noqoto oo la soo sameeyo labo, labo marxaladood weeyaan, Marxaladda koowaad in xulka ugu wanaagsan ee axsaabta siyaasiga ah ay noqon karaan oo Option ah, see loo sameyn karaa, nuucyadee la sameyn karaa, in ay horta daraasad ka soo sameeyaan, taasi markaa ka bacdi uu baarlamaanka xulo, micnaheedu oo ay tahay taa, anagga waagii hore Axsaabta siyaasadda ee dhalanaya markii ay doorasho soo dhawdahay 80-meeyo 90-meeyo gaaraya, arrinta ugu muhiimsan hadda aan rabno in aan gaarno waxa ay tahay, iyada oo casharadaasi wax laga bartay oo lixdemaadkii ahaa darseyna, iyadoo oo aan fiirinayno tijaabooyinkii ay sameeyeen Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya puntland iyo dhamaan dalalka aan isku dhaqanka nahay,..””‘ayuu yiri guddoomiye Jawaari.
Markii uu soo dhamaadey shirka waxaa saxaafadda la hadley guddoomiyaha gudiga Axsaabta Baarlamaanka Soomaaliya Prof Cabdirisaaq Cismaan Jurile ayaa Warbaahinta Qaranka uga waramay waxyaabaha gudigooda u qabsoomay mudada hadda ay jiraan.
..”””Labo Guddi hoosaad baan isu qeybinay, guddi daraasad soo sameeya iyo guddi dadka la kulma, xog si loo helo, War la helaa Talo la helaa, waxaa wax la diyaarin karaa, sharuuc la diyaarin karaa, siyaasad axsaabta lagu furo la diyaarin karaa, marka xog la helo, xogta marka labo dhinac baan ka doonay, dhinac waxa weeye wax Alle iyo wixii sharuuc ah laga soo bilaabay 50-kii in aan soo uruurino, dastuurkii, Sharcigii Xisbiyada, sharcigii Xisbiyada, waxaan soo uruurinay 20 dal sharuucdooda si aan wax uga barano, 7-ka mid ah dagaal sokeeyo ayaa soo maray iyo afar dal oo dhanka dhaqanka aan isku mid nahay,..”” ayuu yiri Guddoomiyaha gudiga Axsaabta Baarlamaanka.
Shirka waxaa uu ku soo aadaya xilli la doonayo in dalka markii lagaaro 2016 ay ka dhacdo doorasho ay shacabku wax doortan oo ku imaanya anidaamka xisbiyada iyo dumuqaraadiyada.
____
RBC Radio