Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20143

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan gaar ha la qaatey madaxweynah acusub ee Masar Cabdifataax Al-Sisi [Sawirro]

Image may be NSFW.
Clik here to view.
1

Qaahira [RBC Radio] Madaxweynaha dowladda faderaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha ka qayb-galaya xafladda caleemo saarka madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Siisi ayaa kulan la qaatay madaxweynaha cusub ee Masar.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayay oo ka qeyb galay xafladda caleemo saarka Madaxweynaha Dalka Masar Cabdifataax Al-Sisi ayaa kulan la qaatay dhigiisa Masar.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Cabdifataax Al-Sisi waxa ay ka wadleen xoojinta xiriirka labada iyo doorka Masar uga aadan horumarka iyo nabadgelyada Soomaaliya, waxaana uu Madaxweynuhu uu dhigiisa Masar ugu hambalyeeyey xilka cusub ee uu ku guuleystay kaddib doorasho ka dhacday dalka Masar.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, ahna sii hayaha xilka Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in kulanka Madaxweynuhu uu la qaatay Madaxweynaha Masar ay kaga wada hadleen arrimo badan oo xaaladda dalka ku saabsan.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
2

Xafladda Caleemo saarka ee Madaxweynaha Masar waxaa kaloo ka qeyb galay Wafuud heer caalami ah, waxaana markii xilka Madaxweynenimo loo dhaariyay uu balan qaaday in uu ilaalin doono danaha shacabka Masar iyo midnimada shacuubta dalka Masar ku dhaqan.

Wefdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa la filayaa in ay soo gabagabeeyaan socdaalka ay ku joogaan dalka Masar.

Dalka Masar waxaa uu ka mid yahay dalalka Soomaaliya la leh cilaaqadka dheer ee dhinaca siyaasada balse madaxweyne Xassan Sheekh oo socdalkii ugu horreeyey ee u ku tago dalka Masar tan iyo markii xilka madaxnimo ee Soomaaliya loo doortay.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
1
Image may be NSFW.
Clik here to view.
2
Image may be NSFW.
Clik here to view.
3
Image may be NSFW.
Clik here to view.
4
Image may be NSFW.
Clik here to view.
5
Image may be NSFW.
Clik here to view.
6

___
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20143

Trending Articles