Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20218

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya oo ka qeyb-galay furitaanka kalfadhiga 4aad Ee Baarlamaanka Uganda [Sawirro]

Image may be NSFW.
Clik here to view.
7

Kampala [RBC Radio] Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka qeybgalay munaasabadda furitaanka Kalfadhiga 4aad ee Baarlamaanka dalkan Uganda oo ka dhacday magaalada Kampala.

Munaasabadda oo lagu qabtay Hoolka Shirarka Sarena oo kasoo horjeeda dhismaha Baarlamaanka dalkan Uganda ayaa waxaa kasoo qeybgalay islamarkaana lagu marti qaaday intabadan Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada dalalka Afrika ayadoo dhanka Soomaaliyana ay Munaasabadda ugu sugnaayeen Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ay wehliyaan Xildhibaanno Golaha Shacabka ka tirsan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Uganda Mss Horn Rebecca Kedega oo jeedisay Khudbaddii ugu horeysay ee Munaasabadda ayaa sheegtay iney aad ugu faraxsantahay sida ay marti qaadkeeda ugasoo jawaabeen Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada Afrika qaarkood waxaana ay Khudbaddeeda qeyb ka mid ah ku muujisay halka uu marayo xiriirka wadashaqeyn ee u dhaxeeya Baarlamaannada Soomaaliya iyo Uganda.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
9

Munaasabadda ayaa sida dastuurka dalkan u degsan uu qabo waxaa furay oo ku dhawaaqay in Baarlamaanka dalka Uganda uu u furanyahay Kalfadhiga 4aad Madaxweynaha dalkan Uweri Museveni oo isagu khudbad dheer oo uu ka jeediyey Munaasabadda uga hadlay xaalada dalkiisa iyo xiriirka iskaashi ee uu la leeyahay dalalka Afrika iyo kuwa Caalamka.

Kasoo qeybgalka ay Munaasabaddan lagu furayey Kalfadhiga 4aad ee Baarlamaanka Dalka Uganda wafdiga uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa waxa uu muujinayaa sida uu usii xoogeysanayo xiriirka iyo wadashaqeynta labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Uganda oo ay gudoomiyeyaashaadu heshiis iskaashi bishii August ee sanadkii 2013 ku kala saxiixdeen magaalada Kampala.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
1
Image may be NSFW.
Clik here to view.
2
Image may be NSFW.
Clik here to view.
3
Image may be NSFW.
Clik here to view.
4
Image may be NSFW.
Clik here to view.
5
Image may be NSFW.
Clik here to view.
6
Image may be NSFW.
Clik here to view.
7
Image may be NSFW.
Clik here to view.
8
Image may be NSFW.
Clik here to view.
9
Image may be NSFW.
Clik here to view.
10
Image may be NSFW.
Clik here to view.
11

____
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20218

Trending Articles