Nairobi [RBC Radio] Xaafadda Soomaalidu ka degto magaalada Nairobi ee Islii waxaa maanta booqdey raysul wasaarihii hore ee dalka Kenya,Raila Odinga waxaana isku soo baxey boqollaal shacabka Soomaalida ee ku nool xaafadda Islii iyo taageerayasha xisbiga CORD.
Raila Odinga oo guddoomiye u ah xisbiga mucaaradka ah ee CORD ayaa khudbad u jeediyey Soomaalidi isagu soo baxdey bartamaha waddada koowaad ee Xaafadda Islii oo ay ku yaallaan suuqyada waaweyn ee Islii.
Raila ayaa tilmaamay inuu ka xun yahay dhibaatada loo geysto Soomaaalida, isagoo carrabaabay in dowladda Kenya ay xabsiga garoonka Kasarani ku xirtay haween, carruur iyo dad da’ ah.
…””Sababta Keenyaanka loo dhibaateynayo waa joogitaanka ciidamadeena ay joogaan Soomaaliya,waxaa la joogaa xilligii ay ogaan lahayd dowladda talada haysa in dhibaatooyinka Kenya ka dhacaya ay sabab u tahay ciidamada Kenya ee Soomaaliya jooga. Madaxweynuhuna wuxuu sheegay in ciidamada Kenya ay joogayaan Soomaaliya illaa argagaxisada la dhammeeyo,..””ayuu yiri Raila Odinga .
Raila Odinga ,waxaa kalo uu ka hadley howlagallada ay wadaan ciidanka Kenya,waxuuna ku sheegay inuu yahay mid lugu dhibaateynayo Soomaalida iyo dadka maslimiinta ah,waxuuna ballan-qaaden inuu ku dadaallayo sidii dadka Soomaalida ah ay u heli lahaayeen xaquuqdooda.
Wuxuu sheegay inuu soo booqday Soomaalida deggen Eastleigh kaddib afar maalin oo uu joogay dalka,maadaama uu in ka badan labo bil ku maqnaa dalka Mareykanka.
Dhinaca kale,guddoomiyaha guddiga xaafadda Eastleigh Xuseen Maxamed Aar iyo qaar ka tirsan dadka xaafadda ayaa sheegay in booqashada Raila ee xaafadda ay wax badan ka tari doonto joojinta dhibaatada loo geysanayo Soomaalida ku nool xaafadda.
____
RBC Radio