Image may be NSFW.
Clik here to view.
Muqdisho [RBC Radio] Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa dowladda Soomaaliya maanta ku wareejisay Gawaari nooca aan xabadda karin,waxaana la sheegey inay gawaraida adegsan doonan madaxda dowladda iyo saraakisha ammaanka dalka.
Goobta gaadiidkaan dowladda Federaalka Soomaaliya loogu wareejinaye,waxaa ku sugnaa safiirka dowladda Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Maxamed Al-Cuthmaan oo sheegay in Dowladda ay ku wareejiyeen maanta gaadiid gaaraya 11-nooca aan rasaasta karin.
Safiirku waxaa kalo uu soo hadal qaadey in Gaadiidkan ah nooca aan xabadda karin inuu qeyb ka yahay taageerada joogtada ah ee ay siiyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxa uu intaa raaciyey in Soomaaliya ay ka caawiyaan dhinacyada Waxbarashada, Caafmaadka iyo waxyaabo kale oo muhiim ah, Bisha Ramadaan ayuu tilmaamay in ay bixin doonaan Kaalmooyin shacabka Soomaaliyeed lagu caawin doono.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka, Mudane Taabid Maxamed, oo wakiil ka ahaa dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa uga mahadceliyey gaadiidkan muhiimka ah ee ay dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ugu deeqday, waxa uu sheegay in xiriirka labada dowladood oo ah mid ballaaran ay keentay in Kaalmo dhinac walba ay bixiso dowladdan, isla markaana ay ka rajeynayaan in ay intaan ka sii xoogeysan doonto taageerada dalka Isutagga Imaaraadka Carabta Soomaaliya ugu yaboohdo.
Gaadiidkaan dowladda Federaalka Soomaaliya maanta lagu wareejiyay ayaan aheyn kuwii ugu horeeyay oo dowladda Federaalka Soomaaliya ay siiso Imaaraadka Carabta, waxaana horay dhowr jeer gaadiid kala duwan usiisay hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya.
Image may be NSFW.
Clik here to view. Image may be NSFW.
Clik here to view. Image may be NSFW.
Clik here to view. Image may be NSFW.
Clik here to view. Image may be NSFW.
Clik here to view. Image may be NSFW.
Clik here to view.
___
RBC Radio