Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

UDAD & MIDNIMO oo si wada jir ah u qaadacay Doorashooyinka Golaha Deegaanka ee Puntland (Warbixin ,Sawirro).

$
0
0

Garoowe (RBC RADIO) Masuuliyiin ka tirsan Ururada MIDNIMO iyo UDAD oo Maanta Warsaxaafadeed ku qabtay Xarunta Urur siyaasadeedka UDAD ayeey dareen ahaan muujiyeen in gebi ahaanba ay qaadaceen Doorashooyinka Golaha Deegaanka iyagoo Fariintaasina u diray Gudiga Doorashooyinka Puntland  kadib markii la tixgelin waayay Codsiyo badan oo ay jeediyeen iyo Kulamo badan oo ay kala qayb galeen Dowlada iyo gudiga Doorashooyinka , go’aanka ay qaateenah uu yahay mid dan ugu jirta Bulshada Puntland sida ay hadalka u dhigeen.

 

Mudane Siciid Faarax oo ah Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka UDAD oo hadalka ku horeeyay  ayaa sheegay in dad badan ay ku colaadiyeen kana soo horjeesteen markii ay ku biireen ururada siyaasada ee Puntland hase ahaatee Ururku oo wax walba ugu sabray dadka Puntland oo guul ka gaara dhanka Dimuqraadiyada,hase ahaatee wuxuu xusay in Nasiib darro ay ku dhacday habkii la filayay in Doorashooyinka Golaha deegaanku u dhacaan sidaa darteedna aysan ka qayb qaadanayn Doortasho aan diiwaangelin lahayn sidaana ay xalka u garteen.

 

“ Mudo badan ayaanu arintaan sixal looga gaaro usoo jiitameenay laakiin wax dhulka ka qaada cabashadeena ma aynaan arag waxaa kaloo inoo muuqday in Gudiga Doorashooyinka uu hal dhinac wax ka maqlo dhex-dhexaadna u ahayn  6da Urur siyaasadeed taasoo ah Caqabad horleh, Dowlada qudheedu dhagaha ayeey nagafureesatay Go’aankeedana kama aysan soo dabcin, hadaba markii aanu aragnay in waxba aysan meesha kasoo naasa cadayn waxaan go’aansanay in aan cadayno inaynaan qayb ka ahayn Doorashooyinka Golaha deegaanka ee sida qaldan loo baalmaray weyna muuqan doontaa hadaan sidaan wax laga badalin in ay dhacdo doorasho aan xoriyad iyo Xalaal midna raad ku lahayn waxaana arintaasi ogaysiineynaa beesha Caalamka iyo Shacabka Puntland dibad iyo Gudahaba meel kasta oo ay joogaan, sidaana waxaa yiri Gudoomiyaha UDAD Siciid Faarax.

Gudoomiye ku xigeenka Urur siyaasadeedka MIDNIMO oo isagana halkaa hadal kooban kasoo jeediyay wuxuu si cad u sheegay in Madaxda iyo Xubnaha ka tirsan Ururka ay go’aansadeen in ay qaadacaan Doorashooyinka Golaha Deegaanka taana ay u gudbinayaan Gudiga Doorashooyinka Puntland, Mar uu ka hadlayay Sababta ayuu sheegay Gudoomiyuhu in aysan meesha ka muuqan Qodobadii lagu balamay Baarlamaankuna ay ansixiyeen Qodobadii muranka ka taaknaa sida Isdiiwaangelinta iyo Tirakoobka dadweynaha taasoo wadada usii xaaraysa dhibaato horleh oo dalka ka dhacda hadaan arintaasi laga hortagin.

 

“waxaa inoo muuqatay in dadka Puntland aysan ku qanacsanayn sida wax loo wado sidaa darteed wax aysan dadku ku qanacsanayn inagana  doonimeyno in aan galno waayo waxaan ka tirsannahay shacabka iyagaana na maamula taana runtii waxay inoo muuqatay Markii la laalay Qodobadii Habsami usocodka arimaha Doorashooyinka Puntland laf dhabarka u ahaa, ugu dambayn  shacabka Puntland waxaan ugu baaqeynaa in ay midnimadooda ka shaqeeyaan iskana fogeeyaan wax walba oo dhib u keeni kara aayahooda dambe.

 

Arintan ayaa kusoo beegmeysa kadib markii dhawaan kulan ay yeesheen Ururada siyaaasada iyo xukuumada PUntland oo uu Gudiga Doorashooyinku wehliyo ay kusoo dhamaatay IS afgaran waa waxaana hadii qilaafkan iyo is mari waagan uusii daba dheeraado ay soo dadajin kartaa inay meesha ka baxdo rajadii  laga qabay u gudbida Dimuqraadiyad dhab ah oo Puntland ay hesho iyadoo dad badan oo arintan u dhuun duleela ay ku baaqayaan in meel dhexe leysugu yimaado..

RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles