Boosaaso[RBC Radio] Waxaa guud lagu soo gabagabeeyey Isbitaalka guud ee magaaladda Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland Qaliino kala duwan oo lacag la’aan ahaa.
Isbitaalka Boosaaso oo gudhihiisa lagu fulinaayey Qaliinada ayaa waxaa ka faa’ideystay dadweyne tira badan,kuwaas oo la dhibaatoonayey Xanuuno kala duwan oo muddo hayey balse EEBE u fududeeyey in dhakhaatiir helaan.
Maamulaha Isbitaalka Guud ee Boosaaso Maxamed Maamulaha Isbitaalka Boosaaso Maamulaha guud ee Isbitaalka Boosaaso Maxamed Axmed Xuseen””Timajilic”oo Saxaafadda kula hadlay Isbitaalka ayaa sheegay in hawshii Qaliinada ee socotay si guul ah kusoo dhamaatay.
Waxa uu sheegay in 16-dhakhtar oo u kala dhashay Wadamada Afrika ay Isbitaalka ka fuliyeen Qaliino kala duwan,waxayna isugu jireen buu yiri Dhakhaatiir,Kalkaaliyaal iyo Suuxiyaal.
Maxamed Timajilic ayaa sheegay in Qaliinada mudada ay socdeen ay ka faa’ideysteen lana qalay 75- qof,iyadoona baaritaano lagu sameeyey dad ku u dhaafay 300-qof,halka 40- kamid ah ahaayeen dad faruuran.
Halkan ka Dhageyso Codka Maamulaha Isbitaalka Boosaaso Maxamed Timajilic Guji Halkan
..”"” Waxaa ka faa’ideystay dad gaaraya 75-qof ayaa la qalay,dadka guud ahaan la arkay waxay gaarayaan 300 in ka badan 40-kamid ah waa dadkii faruurnaa oo runtii aad iyo aad loogu guuleystay Waxqabadkooda..”"”ayuu yiri Maxamed Timajilic.
Maamuluhu,wuxuu xusay in dhamaan dadka lagu sameeyey Qaliinka lagu guuleystay,wuxuuna mahadcelin ballaaran u Jeediyey dhakhaatiirta hawsha fulisay iyo Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo lahayd dadaalka keenista Dhakhaatiirta.
…”"Dadkaas dhamaantood waa lagu guuleystay 35-kale waxay isugu jireen Qaliino burooyinka ah,waxaa ku jiray dad dhuunta laga qalay oo aad u dhibanaa iyo qaliimo kale oo Kaadi-haysta dad laga qalay baajitay…”"”ayuu yiri.
Bulshada ku dhaqan Puntland oo si fiican uga faa’ideystay Qaliinada lacag la’aanta ah ayaa si weyn usoo dhaweeyey Dhakhaatiirta iyo Wasaaradda Caafimaadka,waxayna codsadeen in la laba jibaaro hawlaha Caafimaad ee dadku u baahanyahay.
__________________________________
Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso