Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Nuxurka qodobbo lagu ansixiyey Shirka golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE oo maanta Hargeysa ka furmay: Sawirro

$
0
0

Hargeysa(RBC):- Shirkii afraad ee golaha dhexe ee Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa maanta si rasmi ah uga furmay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, kaasoo lagu ansixiyey dhawr qodob oo uu ajandaha shirku ka koobnaa.

Shirka golaha dhexe ee KULMIYE oo noqonaya shirkii gole dhexe ee Xisbigaasi yeesho intii uu jiray, waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Marwada koowaad ee Madaxweynaha, xubnaha golaha Wasiirrada, hoggaanka Xisbiga, Guddiga fulinta, hoggaanka golaha dhexe iyo Xubnaha golaha dhexe ee KULMIYE,  Xildhibaanno ka socday golayaasha Baarlamanka, xubno ka socday Guddiga diiwaangelinta Ururrada siyaasadda iyo ansixinta Xisbiyada Somaliland, Masuuliyiin, Madax-dhaqameed iyo marti-sharaf kale.

Waxaa aad loo adkeeyey madasha shirku ka qabsoomayey iyo guud ahaamba Huteelka Maansoor iyo nawaaxigiisa oo la dhoobay Askar tiro badan oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee Ciidammada Ammaanka Somaliland, sida RRU-da, SPU-da  oo ka mid ah qaybaha Booliska ee sida gaarka ah u tabobbaran, ciidammo kale oo Boolis ah iyo ilaalada Madaxtooyada oo iyagu ammaanka Madaxweynaha iyo Hoolka shirku ka socday si gaar ah u ilaalinayey, isla markaana watay gaadiid tigniko ah oo qoryo saaran yihiin.

Shirka golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE maanta yeeshay oo waqtiga uu soconayey ku ekaa gelinkii hore oo keliya, ayaa u muuqday mid si weyn looga soo shaqeeyey, isla markaana intaan shirka la iman dibedda lagu soo dhammeeyey waqtigiisa, cidda ka hadlaysa iyo waxa lagaga hadlaaya-ba. Iyada oo laga dheehanayey shirkaas in waxyaabo badan oo laga filayey in lagaga hadli doono dibedda la iskaga soo qanciyey, wax kasta oo kacdoon ama khilaaf siyaasadeed keenayana meesha laga saaray oo dib loo dhigtay, maaddaama oo uu jiraan Rag isku haya hankooda siyaasadeed ee hoggaaminta Xisbiga KULMIYE.

Waxaa shirkaa lagu ansixiyey dhawr qodob oo kala ahaa in muddada shirweynaha Xisbiga dib loo dhigo, in muddada xilka ay haynayaan loo kordhiyo hoggaanka KULMIYE illaa waqtiga shirweynaha la qabanayo iyo in la ansixiyo heshiisyada uu Xisbiga KULMIYE la galay Ururradii ku guul-darraystay doorashadii dawladaha hoose ee somaliland ka qabsoomay sannadkii hore ee ku soo biiray KULMIYE iyo xubnaha Ururradaasi Xisbiga si toos ah uga mid yihiin.

Hadal uu Guddoomiyaha golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE shirka ka jeediyey Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-Shabeel), waxa uu sharraxaad kaga bixiyey qodobbadaas iyo qodobbada sharci ee loo cuskanayo oo uu sheegay inay waafaqsan yihiin Dastuurka iyo Xeerarka Xisbiga KULMIYE iyo sidoo kale Xeerka No: 14 oo ah Xeerka doorashooyinka iyo nidaamka Xisbiyada badan ee Somaliland. Waxa uu Jaamac-Shabeel sheegay in Ergada golaha dhexe ee Xisbiga ee madasha fadhidaa ay ka kooban yihiin 148 xubnood.

Guddoomiyaha golaha dhexe ee KULMIYE Jaamac-Shabeel waxaa uu ka dalbaday Xubnaha golaha dhexe in cod loo qaado in shirweynaha Xisbiga dib loo dhigo illaa 25-ka bisha December ee sannadkan, waxaa oggolaaday 147 xubnood, cid diiday iyo cid ka aamustay midna may jirin, Guddoomiyuhuhuna muu codayn, waxase aan codayn.

Waxaa sidoo kale cod loo qaaday in Hoggaanka Xisbiga KULMIYE oo muddadii shanta sannadood ahayd ay ka dhammaatay loo kordhiyo muddada illaa inta laga gaadhayo shirweynaha Xisbiga KULMIYE, waxa oggolaaday 140 xubnood, laba xubnood way diideen, afar xubnoodna way ka aamuseen, Guddoomiyuhuna muu codayn.

Sidoo kale, waxaa cod loo qaaday in la ansixiyo heshiisyada uu Xisbiga KULMIYE la galay Ururradii doorashada ku hadhay ee ku soo biiray KULMIYE iyo inay xubnaha Ururradaasi ee soo biiray si toos ah uga tirsan yihiin Xisbiga KULMIYE, waxaa oggolaaday 145 xubnood, laba xubnood ayaa diiday, Guddoomiyuhuna muu codayn, waxaanu Guddoomiyaha golaha dhexe ee KULMIYE halkaas kaga dhawaaqay inay qodobbadaasi sidaa ansax ku yihiin sida ay dhigayaan Dastuurka iyo Xeerarka Xisbiga KULMIYE iyo sidoo kale Xildhibaannada golayaasha deegaanka Somaliland doorashadii dawladaha hoose ugu soo baxay Xisbiga KULMIYE oo iyaguna si buuxda uga mid noqon doona golaha dhexe ee Xisbigaas.

Shirka golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE oo ah Xisbiga talada Somaliland hadda haya, ayaa sannadkiiba hal mar la qabtaa, waxaana dib loo dhigay in shirkan lagu soo doorto xubnaha golaha dhexe iyo hoggaanka golaha dhexe, iyada oo shirka golaha dhexe ee sanandka soo socda lagu dooran doono xubnaha golaha dhexe, hoggaanka golaha dhexe iyo sidoo kale Musharrixiinta Xisbiga KULMIYE ugu tartami doona doorashooyinka madaxtooyada sannadka 2015-ka haddii Illaahay yidhaahdo.

RBC Radio

Xafiiska wararka ee Hargeysa.

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles