Dubai(RBC Radio) Dowlada wadanka Imaaraadka Carabta ayaa shaaca ka qaaday iney safaaradeeda dib uga furan doonto magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya hadalka dowlada wadanka Imaaraadka ayaa yimi kadib markii ay wada hadal ku yeesheen magaalada Dubai madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Max’uud iyo dhaxal sugaha boqortooyada dalka Imaaraadka Sh.Max’ed Bin Zayid Al-Nahyaan.
Sida saaka lagu daabacay bogga hore ee wargeyska Khaleej Times ee kasoo baxa dalkaas dhaxal sugaha boqortooyada dalka Imaaraadka ayaa ballan qaaday in dalkaasi uu si deg deg ah safaaradiisa uu uga furan doono magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Kulanka labada masuul ayaa waxaa looga wada hadlay adkeynta xiriirka ka dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta Sh Max’ed Bin ZayidAl- Nahyaan ayaa sheegay in in dalkaasi uu soo dhaweynayo horu marka nabadgalyada iyo maamulka ee ka dhacay dalka Soomaaliya,wuxuuna hoosta ka xariiqay in dalka Imaaraadka Carabta uu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed,isla markaane ay ka taageerayaan dhinacyada kaalmada Bini aadaninimo iyo dib u dhiska ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo dhawaan laga qaaday xayiraadii hubka ee saarneed.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Max’uud ayaa ka mahad celiyey go’aanka dowlada Imaaraadka ay dib ugu furaneyso safaaradeeda magaalada Muqdisho iyo dadaalka dalka Imaaraadka Carabta uu ku gargaarayo shacabka Soomaaliyeed ee tabaaleysan,wuxuuna tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay ogsoon yihiin gacanta walaalnimo ee dalka Imaaraadku uu u fidiyey.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho