Hargeysa(RBC):- Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geel-Jire), ayaa markii ugu horreysay Maxkamadda gobolka Sanaag ee magaalada Ceerigaabo ku dhaliilay inay ka gaabisay inay xukunto Kalluumaysato Yemeniyiin ah oo sifo sharci-darro ah uga iyagoo uga Kalluumaysanaya Biyaha Somaliland ay Ciidammada ilaalada Xeebunu gacanta ku soo dhigeen.
Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland Cabdillaahi Geel-jire, waxa uu sheegay inay Maxkamadaha gobolka Sanaag ka gaabiyeen xukunka kooxdaa Yemeniyiinta Kalluumasatada ah, kuwaasoo ay Ciidammada ilaalada Xeebaha Somaliland ku soo qabqabteen Xeebaha gobolka Sanaag iyagoo sifo sharci-darro ah uga Kalluumaysanaya, waxaanu Wasiirka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa uu intaa ku daray inay Kooxdaas Yemeniyiinta ahi muddo 11 maalmood ah ku xidhan yihiin magaalada Maydh ee xarunta degmada Maydh oo ka tirsan gobolka Sanaag, halkaas oo uu xusay inay xukun-sugayaal ku yihiin Maxaabiistaasi.
“Xaqiiqada jirtay waxay ahayd Doonni la soo xidhay oo dad dhawr iyo afartan qof ahi fuushan yihiin oo si sharci-darro ah ku Kalluumaysanayay oo la qabtay oo 11 cisho ka hor, isla markaana Maxkamad sugayay oo ku xidhan Maydh sidaan hore u sheegayna cabashadu annaga waxay nooga imanaysaa Ciidammada iyo Xeer-ilaalinta oo leh Maxkamadihii ayaa noo iman waayay. Markaa waxaan leeyahay dhinaca Garsoorka iyo Caddaaladda aynu ka dedaalno.” sidaa ayuu yiri Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland Cabdillaahi Geel-jire.
Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Baddu waxaa uu tilmaamay in Maxkamadda gobolka Sanaag sharciga ay u adeegsadaan dembiyada ka dhanka ah Kalluumaysiga aanu ahayn, isla markaana waafaqsanayn sharciga caalamiga ah ee Adduunka ee Kalluumaysiga. Wasiir Geel-jire oo arrintaa ka hadlayaana waxa uu yiri; “Mushkiladdu waxa weeyaan Xeer Kalluumaysi ayaa jira oo qeexaya dembiyada Kalluumaysiga, waxaana isoo-gaadhaya in dembiyada ay Maxkamaduhu ku xukumeen aanay ahayn kii Kalluumaysiga, waa Xeer iyagu meel ay ka soo heleen. Markaa, iyaga iyo Xeer-ilaalinta ayaynu isku daynaynaa.
“Laakiin, waxaan ku dhiirrinayaa Xeerkani waa shan iyo toban qodob Xeerka Kalluumaysiga ee dalku Doonnida sharci-darrada ku timaadda nooca ay tahay-ba way ku qoran yihiin waxa lagu ciqaabayo. Markaa, waxaan lee yahay kaa hallagu xukumo si ay ugu cibro-qaataan kuwa kale.” Sidaa ayuu yiri Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire).
RBC Radio
Xafiiska wararka ee Hargeysa.