Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maamulka Ximan & Xeeb oo si Rasmi ah ugu Biiray Dowlada Federaalka Soomaaliya

$
0
0

Cadaado(RBC Radio) Maamulka Ximan iyo Xeeb iyo dowlada Soomaaliya ayaa isla gaaray heshiis rasmi ah kaasoo ay ugu muhiimsanaayeen maamulka Ximan iyo Xeeb uu hada kadib ka mid yahay dowlada Soomaaliya waxaana la isku raacay in dhamaan ciidamada iyo maamulka Ximan iyo Xeeb ay si toos ah u hoos  imaanayaan dowlada Soomaaliya.

Afhayeenka maamulka Ximan iyo Xeeb Max’ed Cumar Hagafeey ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in maamulkoodu uu si rasmi ah ugu biiray dowlada Soomaaliya,Hagafeey ayaa sheegay iney R/wasaaraha ka dalbadeen qodob dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen in ciidamada iyo maamulka Ximan iyo Xeeb ay la wareegto dowlada Soomaaliya ,in dowlada Soomaaliya ay gaarsiiso deegaanada Ximan iyo Xeeb xuquuqda ay dowlada ku leeyihiin oo ay ugu horeeyaan adeegyada kala duwan ee b ulshada.

Waxaa sidoo kale kamid ahaa heshiiska ay isku raaceen dowlada iyo Ximan & Xeeb in hal maamul loo sameeyo gobolada dhexe ee Soomaaliya wuxuuna tibaaxay Max’ed Cumar Hagafey iney dowlada ka codsadeen iney ka aqbasho soo jeedin ku saabsaneed iney magaalada Cadaado dhigaan gogol ay dhamaan bulshada gobolka kaga arinsato  dhisida maamul goboleed ay ku mideysan yihiin.

Afhayeenka maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay in dowladu ay u riyaaqday soo jeedinta maamulkooda maadaama ay dadka deegaanka Ximan iyo Xeeb dusha u riteen qarashka iyo tasiilaadka kale ee uu u baahan yahay qabashada shir weynaha ka dhici doona Cadaado oo ay iskugu imaanayaan Bulshada gobolada Galgaduud iyo iyo Mudug.

R/wasaaraha Soomaaliya oo maalmihii danbe socdaal ku joogay degmooyin ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa intii uu halkaa ku sugnaa waxa uu heshiisyo wax ku ool ah lasoo gaaray bulshada deegaanadaas iyadoona intii uu ku sugnaa magaalada Caabudwaaq uu heshiis la saxiixday ahlu sunna oo iyane si rasmi ah hada kadib u hoos tagi doonta dowlada Soomaaliya.

 

 

RBC Radio

Xafiika Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles