Boosaaso[RBC Radio] Shirkadda Isgaarsiinta Golis Telcom ayaa maanta Shaaca ka qaaday in lambarada Shirkadu noqon doonaan Todoba lambar oo ka bilaabanaya (7),taasina ay ku timid Xawliga dadka Isticmaala Addeega GSM- ka oo si Siyaadaya.
Madaxda Shirkadda Golis Telcom oo Saxaafadda Uga Warbixiyey Lambarka kusoo kordhay lambarada GSM-ka ayaa ku tilmaamay Horumar ballaaran oo ay ku talaabsatay Shirkadda isla markaana ay kordheen Xadiga dadka Isticmaala Addeegaas.
Maareeye Kuxigeenka Guud Shirkadda Isgaarsiinta Golis Siciid Aadam Axmed oo Sharaxay labarka kusoo kordhay GSM-ka ayaa sheegay in uu yahay lambar 7-da iyadoona Isbadelkaas uu yahay mid Shirkaddu ugu talagashay Macaamiisheed.
…”" Waxaan macaamiisheena Sharafta leh gaarsiineynaa in Shirkadu wax ku kordhisay Lambarkeedii sidii uu u shaqeyn jiray oo halkii lambarada gudaha(Local),waxaa laga dhigay Todoba lambar,waxaa lagu siyaadiyey lambar Todobaad,wuxuuna noqonayaa “”7″,Tusaale 6-haddii u ahaan jira 76 -buu noqonayaa!!!….”"ayuu yiri
Halkan ka Dhageyso Codka Maareeye Kuxigeenka Golis Siciid Adam Axmed Guji Halkan
Maareeye Kuxigeenku. Mudane Siciid Gows ayaa ku sheegay Ujeedada lambarka cusub ee 7-da ugu soo kordhiyeen lambarada Shirkadda in ay tahay si macaamiisheeda mustaqbalka ugu hesho lambaro ku filan oo kaafiya,taasina waa mid buu yiri ay sameeyaan Shirkadduhu.
…”"”Sidaas,waxaa loo yeelay in mustaqbalka fog ay Shirkaddu u hesho macaamiisheeda lambaro ku filan oo kaafiya,waana wax Caadi ah oo Shirkaduhu mar walba sameeyaan markii ay heer gaaraan in lambaradooda wax ku daraan si ay ugu helaan macaamiisha lambaro ku filan…”"”ayuu yiri.
Hoggaanka Ganacsiga ee Shirkada Golis Cumar Ciise Maxamed (Cumar Faaruuq) oo hadal kooban kasoo Jeediyey Shirka Jaraa’id ayaa xusay in guud ahaanba lambarada Shirkadda Golis uu saameynayo lambarada la badelay.
Halkan ka Dhageyso Codka Cumar Faaruuq Guji Halkan
…”"” Lambar kasta oo Shirkadda Golis ah wey saameyneysaa lambarada la badelay,wuxuu noqonayaa Todoba lambar oo uusan ku jirin furuhu,…”"”ayuu yiri Cumar Ciise Maxamed (Cumar Faaruuq).
Fariinta Macaamiisha SAHAL!!
Cumar Faaruuq ayaa u sheegay Macaamiisha Isticmaala Addeega SAHAL in qofka laga doonayo marka qof kale lacag u dirayo in Todobada lambarba uu qoro taas badalkeeda in uusan ka qorin lix lambar.
…”"Dadka Addeega SAHAL-ka Isticmaala,waxaa laga doonayaa marka qof lacag u dirayaan iney Todobada lambarba qoraan haddii qofka ka kala tago Todobada lambar oo lix lambar qoro,waxa uu u sheegayaa in lambarka uu geliyey uusan ahayd mid Sax ah sidaas darteen waa in Todoba lambar ka dhigo qofku kan uu wax u dirayo…”"“ayuu yiri.
Shirkadda Isgaarsiinta GOLIS Telcom ayaa muddooyinkii danbe usoo bandhigeysay Macaamiisheeda Soomaaliyeed Addeegyo kala duwan,iyadoona Madaxdoodu ballanqaadeen in Addeegyo waxtar leh u keeni doonaan.
______________________________
Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso