Garoowe (RBC RADIO) Madaxweynaha Puntland Dr C/Raxmaan Faroole ayaa sheegay in ay tahay Guul Taariiqi ah Taageerada Maraykanku u Fidiyeen Doorashooyinka Golaha Deegaanka iyo In Puntland ay u gudubto Dimuqraadiyada kadib markii maanta Wafdi uu hogaaminayo James Swan oo ah Ergeyga Maraykanka u qaabilsan Arimaha Soomaliya uu Garoowe soo gaaray lana kulmay Madaxda Puntland waxaana Safarkiisa ku wehliyay Xubno ka socday Dalalka Italy,England,Sweden.
Madaxweyne Faroole wuxuu sheegay in Masauuliyiinta Garoowe soo gaartay ay kala xaajoodeen sida ugu haboon oo loo taageeri karo Dalka Soomaliya oo mudo dagaal kusoo jiray isagoo sii raaciyay hadalkiisa in ay sidoo kale u bandhigeen arimaha Dimuqraadiyada iyo Doorashooyinka Golaha Deegaanka ee Dhawaan la damacsanyahay in laga hirgeliyo Deegaanada Puntland wuxuuna Madaxweynuhu sheegay in Qodobo kale oo ay ka wada hadleenna ay isla afgarteen sida uu hadalka u dhigay.
Mr Swan oo ah Ergeyga Maraykanka u qaabilsan arimaha Soomaliya ayaa dhankiisa sheegay in ay tahay talaabo horay loo qaaday Nidaamka Asxaabta Badan ee Puntland laga wado wuxuuna Sheegay ergaygu in Maraykanku uu taageero u muujinayo Hormarka kasoo bidhaamaya Puntland loona baahanyahay in looga dhabeeyo sida loogu talagalay,wuxuu kaloo ku baaqay nabada iyo kala dambaynta Puntland ka jirta ka sokow in looga daydo Arimaha ay hada u hanqal taagayaan ee la xiriirta Doorashooyinka Golaha Deegaanka iyo u gudubka Dimuqraadiyad Dhab ah.
Wafdigan ayaa inteysan Puntland ka dhoofin waxay kulan sidoo kale la qaateen Masuuliyiinta Gudiga Doorashooyinka iyo sidoo kale Lixda Urur siyaaasadeed ee Puntland ka jira inkastoo aan la shaacin waxyaabaha ay ka wada hadleen, waxayse arintan kusoo aadaysaa iyadoo muran uu ka taaganyahay qodobo la sheegay in laga bedeli doono Dastuurka Puntland oo la xiriirta Arimaha Doorashooyinka Golaha Deegaanka inkastoo Go,aanka ugu Dambeeya ee Hirgelinta Qodobadaasi laga dhawrayo Baarlamaanka Puntland.
Ibrahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.