Denmark(RBC Radio) Maxkamad ku taala wadanka Denmark ayaa xukun xarig ah ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed oo ay ku heshay iney xiriir la leeyihiin ururka alshabaabka dalka Soomaaliya wiilasha la xukumay oo ah wiil oo walaalo ah ayaa waxaa midkiiba lagu xukumay 3 sano iyo Bar xabsi ah.
Guuleed Max’ed Warsame oo 24 jir ah ayaa waxa ay maxkamadu ku heshay inuu tababar kusoo qaatay xeryo ciidan oo ku yaala gudaha dalka Soomaaliya kuwaas oo ay maamulaan ciidamada alshabaab ee dagaalka kula jira dowlada Soomaaliya halka Nuur Maxamed Warsame oo 19 jir isne lagu helay inuu lacago u diri jiray walaalkii xiligii uu ku sugnaa gudaha dalka Soomaaliya.
Dhalinyarada Soomaaliyeed ee xukunka lagu riday ayaa iska beri yeelay danbiga la sheegay iney galeen kasoo ah iney ka mid yihiin alshabaabka Soomaaliya waxayna sheegeen ineysan lahayn wax danbi ah isla markaane ay racfaan ka qaadan doonaan xukunka sanadaha ah ee lagu riday.
Hooyada dhashay 2 wiil ee Soomaaliyeed ee maxkamada dalka Denmark ay xukunka ku riday oo lagu magacaabo Duniyo Nuur Rooble ayaa sheegtay in waalasheedu aysan wax lug ah ku lahayn danbiga lagu so oogay iyadoona ku tilmaantay xaq darro xukunka lagu riday wiilasheeda.
Wiilashan Soomaaliyeed ee ay xukunka ku riday maxkamadu ayaa ku noolaa wadanka Denmark gaar ahaan deegaanka Aarhus 16-kii sano ee lasoo dhaafay waxayna haystaan dhalashada wadanka Denmark.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho