Muqdisho(RBC Radio) Ciidamada ilaalada wadooyinka ee Taraafikada ayaa maanta qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho ka muday Tabbeelayaasha bixiya Astaamaha kuwaas oo haga wadayaasha gaadiidka kuwaas oo loogu sheego hadba xawaaraha looga baahan yahay iney ku wadaan gaadiidka ay kaxaynayaan.
Taliyaha ciidamada ilaalada wadooyinka ee Taraafikada Cali Xirsi Barre Cali-gaab oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyey Tabeelayaasha ay ka hirgaliyeen wadooyinka degmada Shangaani ee gobolka Banaadir wuxuuna sheegay iney 10 Tabeele ka hirgaliyeen degmada Shangaani.
Wuxuun sheegay in ujeedada ugu weyn ee ay u sureen Tabeelayaashaasi ay tahay kadib markii dib loo furay Iskuulka Bartamaha ee degmada Shangaani oo uu sheegay iney dhigtaan carruur aad u da’yar kuwaas oo tiro ahaan gaaraya 760 arday wuxuuna sheegay iney lagama maarmaan tahay badbaadinta carruurtaasi da’da yar.
Wuxuuna sheegay in Tabeelayaashaasi ay ka turjumayaan in goobta uu ku yaalo Dugsi ay dhigtaan Carruuri isla markaane wadayaasha gaadiidka loogu tilmaamayo iney dhimaan xawaaraha baabuurta ay wadaan isagoona sheegay in Tabeelayaashu ay qeexayaan in 30 ama 20 aan laga badin karin xawaaraha ay ku wadayaan baabuurta marka ay soo gaaraan goobaha ay ku sureen Tabeelayaasha,waxaana kaloo kamid ah astaamaha ay bixinayaan Tabeelayaasha in darawaliintu aysan Hoon yeerin xilaga ay marayaan agagaarka dugsiga Bartamaha.
Cali-gaab ayaa uga digay darawalada iney jabiyaan tilmaamaha ciidamada ilaalada wadooyinka wuxuuna ballan qaaday iney tallaabo adag ka qaadi doonaan cidii u hogaansami weysay isagoona ku micneeya sababta ay u keeneen Tabeelayaashaasi iney tahay bad baadinta umadka da’da yar ee dhiganaya dugsiga Bartamaha ee magaalada Muqdisho.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho