Garoowe (RBC RADIO) Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo ku hadlayay Afka Maamulka ayaa Saxaafada u sheegay In Puntland aysan Marnaba diyaar u ahayn taageersanaynnah Cunaqabataynta Hubka oo laga qaado Soomaaliya isagoo taa ku micneeyey in ay keeni karto Dagaal hor leh oo ka dhasha Dalka Soomaaliya hadii markale hub laysugu dhiibo Soomaalida.
“ Waxaan Beesha Caaalamka uga digayaa in ay ka qayb qaataan Soomaaliya oo dib u burburta intii ay sii balaarin lahaayeen dhismeheeda iyo taageeradeeda oo la xoojiyo, Dowlada Soomaaliyeedna waxaa leeyahay Dad baad xilka u haysaan Sharci iyo Dastuur loo wada siman yahay ayaa la idinku soo doortay ha baal marina waxaad doontaanah ha ku dhaqmina ee danta umada ka shaqeeya ayaan idin leeyahay mana soo dhaweyneeno in Hub Dalka lasoo gesho oo Soomaali ay markale is gumaado, sidaaana waxaa yiri Wasiirka Warfaainta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir.
Wasiirku waxa uu sheegay in Beel kaliya oo muqdisho ku sugan oo Ciidan sheegata ay halkaasi ku suganyihiin kuwaasi oo hela Tababaro ay magaca Soomaaliya ku qaataan balse kaligood ku kooban sida uu wasiirku hadalka u dhigay wuxuuna xusay in Soomaali aysan is aaminayn intii sharci daro la wado,Wasiirku wuxuu kaloo sheegay in Hubka hadii la fasaxo uu Beel kaliya gacanta u galayo Beelaha kalena dulmi lala soo doonan doono isagoo dusha u saaray Dhibaatadii halkaasi ka timaada Dowlada Federaalka ee Soomaliya oo iyadu dalbatay Dalka Cunaqabataynta Hubka in laga qaado, Sidaana waxaa yiri Wasiirka Warfaafinta.
Mudane Dirir Wasiirka Warfaafinta wuxuu xusay inaan wali la dhayin boogtii laga dhaxlay Dagaalkii sokeeye ee Soomaliya ka dhacay 1991dii midkalena aysan Taak u hayn, Hadalkannah wuxuu kusoo aadayaa iyadoo Masuuliyiin ka tirsan S-Land ay dhankooda sheegeen in aysan ku qanacsanayn Dalka oo Cunaqabataynta Hubka laga qaado, waxaana 2da dhinac uu midba gaarkii u sheegay Dalka oo hub lasoo gashaa uu sahli karo Dagaalo dhaca iyo Ururka Alshabaab oo hela Fursad Hub lagu soo gaarsiin karo, Waxaase laga warsugayaa Fadhiga uu Qaramada Midoobay ka leeyahay Arimahaasi.
RBC RADIO
Xafiiska Garoowe.