Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maamulka degmada Carmo Oo Bilaabay Hawgal Ay Uga Hortagayaan Waxyeeleynta Deegaanka iyo Ugaarta Nool

$
0
0

Duqa degmada Carmo Ibraahim Shire Maxamed

Boosaaso[RBC Radio] Maamulka iyo Shacabka ku dhaqan degmada Carmo ee gobolka Bari ayaa bilaabay hawlgal ballaaran oo ay kula dagaalamayaan Waxyeeleynta duurjoogta iyo deegaanka degmada.

Baaxada hawlgalka ayaa si toos ah,waxaa u wada Ciidamada degmada Carmo iyo maamulka,kuwaas oo ka hortagaya dadka caadeystay muddooyinkii danbe iney Jaraan dhirta qoyan ee deegaanka si ay dhuxul uga sameeyaan.

Duqa degmada Carmo Ibraahim Shire Maxamed oo Saxaafadda gudaha Wareysi kooban siiyey ayaa sheegay in dadka caadeystay jarida dhirta qoyan iyo Ugaarsiga Deerada Beyracda in ay muteysan doonaan ganaax iyo Xabsi.

…”"”Waxaan digniin usoo Jeedineynaa dadka jara,gubta,dhoofisa dhirta dhamaantood Ciqaabo iyo Xabsi baan kasoo saarnay,horeyna waan u dhaqangelinay dad baan sidaas ugu Xirxirnay,kuwa Bari nooga keenay baan ku Xirxirnay..”"ayuu yiri.

Wuxuu Intaas ku daray …”"”Ugaarta lix bilood oo Xarig ah iyo Shan milyan oo ganaax ah ayey muteysanayaan,Dhuxushana Sanad Xarig ah iyo 10-milyan oo Shilin Soomaali ah qofkii lagu qabto,..”"”ayuu yiri Ibraahim Shire.

Taliyaha Saldhiga degmada Carmo Gaashaanle Yuusuf Axmed ayaa isna sheegay in Xabsiyada degmada Carmo kuyaala ay aad u yar yihiin isla markaana dadka dhibaatada geysta ku Xiraan laba qol oo kaliya.

Wuxuu intaas ku daray in dhibaatada kale ee Ciidamada amniga degmada Carmo haysata ugu darsantay Gaadiid la’aan ayna dhibaato ku noqotay xiliyada ay sameynayaan hawlgalada deegaanka,

…”"” Xabsiyadu aad bey noogu yar yihiin,gaadiid majiro ,dhaqaale anaga meel naga soo gala majiro,wax shidaal ahna waxaa jira 10-litir oo degmadu bixiso….”"”ayuu yiri,

Gabagabadii ayuu Taliyuhu ugu baaqay kana Codsaday Shacabka deegaanka Carmo ee gobolka Bari iney la shaqeeyaan laamaha amniga si Nabadgelygu u noqoto mid Wanaagsan,

________________________

RBC Radio
Xafiiska Boosaaso

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles