Muqdisho (RBC) Wararka ugu dambeeya ee naga soo gaaraya deegaanada gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in weli xiisadii dagaal ee halkaasi ka jirtay ay taagan tahay, halka khasaaraha dagaalkuna uu sii kordhayo.
In ka badan 10 ruux ayaa ku geeriyootay dagaalkii shalay iyadoo 20 kalana ay ku dhaawacmeen. Waxaana dhaawacyadan loo kala qaaday isbitaalada Muqdisho iyo Marka oo maleeshiyaadka dagaalamaya ay kala geysanayaan.
Khasaaraha dagaalka ayaa sidoo kale gaaray duunyada iyo dhulka kadib markii tiro xoolo ah oo ari iyo lo’ leh ay haleeshay madaafiicda la isweydaarsanayo, waxaana sidoo kale dhinacyadu ay burburiyeen dhul beereed khudradu ka bixio jirtay oo ku dhow deegaanka Janaale.
Dagaalkan oo ah mid beeleed ayaa galay maalintii afraad iyadoo dhinacyada dagaalamaya oo ah maleeshiyo beeleed ay heleen gurmad hub iyo dhalinyaro hor leh oo goobaha dagaalka ku soo qulquleysa.
Illaa hadda Dawlada Federaalka ah kama hadlin colaadan, walow wararku ay sheegayaan in dawladu ay waddo waanwaan ay ka qeybqaadanayaan odayaal iyo waxgarad beelaha dagaalamaya ka soo jeeda.
Dagaalkan oo qarxay Jimcihii la soo dhaafay ayaa salka ku haya aanooyin qabiil oo ka dhashay lahaanshaha deegaanada lagu dagaalamayo oo ah tuulooyin dhul beereed ah oo ka tirsan deegaanada Janaale, Shalanbood iyo Awdheegle oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.
Illaa hadda dagaalkan ayaa galaaftay nolosha dad ka badan 40 ruux oo u badan dhinacyada dagaalamaya hase yeeshee dad rayid ahna waa ay ku nafwaayeen colaadan.
RBC Radio