Baydhabo(RBC Radio) Gudoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaaliya Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta ka dagay garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo waxaana si diiran u soo dhaweeyey gudoomiyaha iyo waftigiisa maamulka gobolka Baay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo hore usii joogay magaalada.
Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa markii uu ka dagay garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo waxa uu shir jaraaid ku qabtay gudaha garoonka isagoona ku sheegay ujeedka safarkiisa inuu la xiriiro u kuurgalida xaaladaha shacabka gobolada Baay iyo Bakool,wuxuuna tilmaamay in masuuliyada loo igmaday ay qayb ka tahay la socodka marxaladaha shacabka dalka.
Gudoomiye Jawaari ayaa waxaa kamid ah waxyaabaha uu u tagay magaalada Baydhabo sida ay wararku tilmaamayaan inuu u kuur galo waxa keenay in ciidanka Ethiopia degmada Xudur uga baxaan si lama filaan ah iyo waxa keenay arintaas oo ahayd mid aan lasii shaacin isla markaane aysan ka war qabin madaxda dowlada Soomaaliya.
Jawaari ayaa lagu wadaa inuu gaaro deegaanka Ceelbarde oo ay ku sugan yihiin kumanaan ruux oo ka barakacay magaalada Xudur markii ay la wareegeen kooxda alshabaab si uu ugu kuurgalo xaalada adag ee haysta barakacayaasha ku sugan deegaanka Ceelbarde,waxaana lagu wadaa inuu kulamo la qaato waxgaradka iyo saraakiisha ciidamada Ethiopia ee ku sugan deegaankaas.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho